Monday, October 7, 2019

DUMAR IYO DADNIMO Q. 3aad. By Calinuir Shiine

Cali isaga oo isu diyaarinayaa bixitaan ayaa waxaa loo soo sheegay wiil ay ilma adeerro yihiin oo shil gaari ku dhaawacmay, isla markaana yaalla isbitaalka wayn ee Magaalada, waxaa intaas loo raaciyay in loo baahanyahay in dhoog loo shubo.
Durba waxa uu soo duuduubay qorshihiisii uu Cudbi ku aadayay waxa uuna isu diyaariyay sidii uu u gaari lahaa Isbitaalka.
Cali saacado ka dib ayuu gaaray Isbitaalkii Wilkiina isaga iyo nin kale ayaa dhiiggii u shubay.

Mar uu Cali afka ku hayo cabitaan leh nafaqo saa'id ah oo nafta loogu celinayo maadaama dhiig laga shubay, ayaa waxaa aagga ka soo fariistay oday bukaan ahaa oo malaha Isbitaalka muddo ku jiray siina raysanaya. Odaygii iyo Cali, sheeko dheer ayaa dhex martay, oo waa ay is fahmeen.
Odaygu waxa uu Cali uga sheekeeyay dalka sidaan u quruxda badan xaaladaha uu soo maray  iyo sidoo kale nolosha miyiga qaar ka mid ah.
Odaygu waxa uu ahaa sheekaalow, Cali waxa uu waydiiyay " maandhow ma guursatay" markaasuu Cali ku yiri "Adeer maya" suu odaygii yiri "Maandhow, guurku waa howl wayn, midse ogow waxa uu la midyahay adiga oo haan gorof ah gacanta geliyay, haan meel jabo ah lagu illaloobay haddii aad gacanta geliso ma saadaalin kartid waxa aad kala kulmi doonto, sidaas si la mid ahna haddii aad gabar guursato ma qiyaasi kartid in ay kuu wanaagsanaan doonto iyo inkale.

Guurku waxa uu u baahanyahay buu yiri masuuliyad wayn, hadda waxa aad tahay wiil dhallinyaro ah laakiin berri waxa aad noqon doontaa cid odaygeed, adiga ayayna xaajo waliba kaa falantaa. Weligaa mid iska ilaali, ragga iyo dumarku isku mid ma aha, dumarku waa caadifad badanyihiin waana dareen dhawyihiin ee u dhega nuglow. Weligaa xaqeeda ha u dhaafin, weligaana adiga oo careysan ha imaan horteeda, sababtuna waxa ay tahay hadba waxa ay u dhaqmi doontaa sida ay dabeecaddaadu tahay, dumarku waa miraayad ama waa maro cad, haddii ay wasakhu gaarto waa ay qayirmaan.

Cali waxa uu isku illoobay, sheekadii odayga, saacado ka dib na Isbitaalkii ayuu ka baxay.
Cali isaga oo ka soo dib dhacay ballankii isaga iyo Cudbi ka dhexeeyay ayuu halhaleel ugu tegay gurigeedii. Waxa ay ka wada hadleen arrimo mustaqbali ah, waxa uu u bandhigay qorshihiisa guur iyo sida uu wax u rabo maadaama uu dhaqaale haysto uu ku aroosi karo, iyana diiday ma orane waa aqbashay.

Cali tooggan waxa uu isu diyaarinayaa aroos, waxa uu isu diyaarinayaa in uu hanto gabar oday dhalay, waxa uu isu diyaarinayaa in uu noqdo masuulka guri dhisan. Waxa uu arrinkii ula tegay adeerkiis Yuusuf. Cali aabbihiis ma noola sidaas ayuu u door biday in uu adeerkiis gabadha la doono, si kastabase arrin walba waa u hagaagay.
Arooskiisi waxaa ka shaqeeyay boqollaal dhallinyaro ah, sidoo kalena waxaa ku garab siiyay saaxiibbo ganacsato ah oo uu lahaa, arooskiisu waxa uu noqday mid ay la tacajabeen gabdhaha Cali horay u garanayay waxa ayna ka waayeen iin iyo cillad ay ku dhalleeceeyaan.

Sidaasna waxaa u aqal galay labadii mucaashaq, mayee labadii dhiirri geliye.

La soco qaybta 4aad, aan kuugu daree sheekada dhan xiisaheeda halkan ayay ka billaabanaysaa.

Curiye :Calinuur Shiine.

No comments:

Post a Comment

Sababihii igu dhaliyay waxbarashada

Qofkii caqli low malee

 Madasha uma aannan iman Qofkeenna mariilka ihi Markii uu u baahdo dawo Hadduu gacan marane yahay Miciin inuu waayo oo Innana maydkiis sugno...