Monday, April 13, 2020

Maansadii Damac.


v  Nafyahay daa damaca waalan
v  Ka daa derbiyada abraarka
v  Ka daa dirqigiyo hujuumka
v  Dhirtaad dardaraysoo laylka
v  Dad baa harsan laaye kaadso

v  Ubaxa aad doorinayso
v  Il baa daydayan lahayde
v  Inaad duugtaa ma fiicna
v  Dibnaha eebbuhu ku siiyay
v  Dabkaad ku afuufto joooji

v  Nafyahay xishood daranidaada
v  Damdamtiyo qababacdaada
v  Digdigtiyo hamamagtaada
v  Dawaafkiyo dalaftankaaga
v  Dariiqaan aad ku joogto
v  Wuxuu kugu gaynayaa dal
v  Degmuu kaa ridahayaa xun
v  Cagtuu kuu saarayaa dab
v  Dubkaaga ku cayshi doona
v  Intaanay ku daynin ruuxdu
v  Ka daahiro ceebahaaga
v  Wuxuu kuu diiday eebbe
v  In aad doontaa sax maaha

v  Nafyahay daa waxa la dayryay
v  Wanaaggiyo doon samaanta
v  Xaraantiyo diid xumaanta
v  Ibliiska ku duufsanaaya
v  Ibliiska ku doorinaaya
v  Misana ku danbaajinaaya
v  Ilaah kii diiday weeye
v  Dafiray qowlkiisa weeye
v  Dadkana ballan qaaday weeye
v  Inuu dalaq naar ku siiyo
v  Faxshiga aad daawanayso
v  Ishaadu ku doogsanayso
v  Dunuub wada miiran weeye
v  Deegaan ah ciriiri weeye
v  Dab iyo holaciisa weeye
v  Dareen ah khiyaali weeye

v   Wallow uu yiri dadkeennu
v  Qofkii dhimbila cantoobsha
v  Illeen daay lama yiraahdo
v  Haddana waa iga dardaaran
v  Dabuubtiyo maansadaydu
v  Digniin iyo wayga waano

v  Nafyahay aan garan danteeda
v  Haddaad dhega kuu daloola
v  Oo aad leedahay wax duuba
v  Sideey diinteennu sheegtay
v  Jannadu waa meel diyaarsan

v  Qofkuu eebuhu la doono
v  Ma waayo wuxuu daneeyo
v  Sidii dunidaanna maaha
v  Dood iyo ma leh qaylo taagan
v  Dil iyo ma leh waa la toogtay
v  Dafaa iyo tuug ma joogo
v  Dulmiyo eex lagama sheegin.
 AAbwaan Calinuur Shiine

Sababihii igu dhaliyay waxbarashada

Qofkii caqli low malee

 Madasha uma aannan iman Qofkeenna mariilka ihi Markii uu u baahdo dawo Hadduu gacan marane yahay Miciin inuu waayo oo Innana maydkiis sugno...