Monday, May 13, 2019

Qormadii 2aad. Sababihii igu dhaliyay wax-barashada_Qormadii 2aad.

Qaybtii 2aad.
Waxaa dadkii ku dhacay antal-waah(wareer) daran maxaa yeelay waxa laga cabsi qabay sida ay Abaartani u saameyn doonto geyiga gaar-ahaan markaa halka aynu ku nooleyn.
 Beero warkood daaye waxaa aan xoolihii u geeddeynay(u rarnay/u dhignay) Magaalada Xin-lebi oo galbeed Magaalada Camaara uga beegan qiyaas ahaan 30 km.

Anigu weligay ma tegin Xin-lebi,balse Markan aynu geeddiga nahay ayaa iigu hor ah, weliba waxa aan xusuustaa in reerkoo geeddiya aan ka haray oo Saco yar aan soo quduuduxinayay(tar-tartiib u soo waday, kaligayna aan soo galay magaalada Xinlebi.
Dad aan horay u aqiinnay baan haybsaday maadaama aanan Moobillada gacanta istimaalin oo aan 15 sano jir ahay, reerkiina waan helay maalin kadibna reerkii kalee geeddiga ahaa ayaan raadshay helayna.

Xinlebi waxa aan kula yaabay waxa kamid ahaa: Cusbada(milixa) ayaa kabaxda oo inta biyo galaan meel loo yaqaan Galdaan(biyo galeen ah) ayay adkaanayaan oo cusbo noqonayaan kadibna la jabsadaa, iyo dhallinta xoogga furan leh ee iyagoo yar-yar xammaasha ee aan is dhigan ( alle haw siyaadshee).
Waxay leedahay Bado(galdaamo Cusbada laga jabsado) oo la kala yiraah 1)Dhaddinley 2)Badda dhexe 3) iyo Mareerrey.
Waa meel leh dhul cowseed.

Hayeeshee muddo kadib waxa ku yaraaday daaqii, waxaynu  u guurnay Abaar ba ha-ahaatee meel ay iska saaranyihiin dhul ay kala degaan laba beelood oo dirir(dagaal)ka dhaxeyso. Degaan waa kii ku saameye e waxaa dhacay dagaal, halkaana waxaa dhaawac ka soo gaaray Wiilkii inoogu weynaa. Gabar baase ka weyn, iyo Hooyo macaan, Maadaama, dagaalku ka dhacay halkii reeruhu degganaayeen, Allah! , hadde day waxa laysku dagaalayaa waa daaqe  dadkuna waa Soomaalidii gobta ahayde.
Ka gudub, dib baan ugu soo laabannay halkii aan ka guurnay oo miyiga Xinlebi ah, Hooyo iyo wiilkiina waa dhaawac.

Aniga, wiil iga weyn iyo laba gabdhood(midna igu xigto midna da'deydii shanaad tahay) ayaa Arigii, Hal Rati, iyo Dameer wata Garneetadiisii la guurnay.
Ayaan kadib, ayaa waxa innaga goosmay(cararay) Ari farabadan, hayeeshe aynu weynay cid raadintiisii garab nagu siisa.

Waxa aan ka xusuustaa tix gabay ah ee uu Wiilkii iga weynaa (Cabdullaahi) mariyay oo uu yiri
"Arigii baa go'doomay oo goosan baa maqane
Adeer ila goobiyo lawaa waalid gacan taaga
Sidii nin ehelkii go'aan kaligay goobtaaye.
Gowga Korodhi iyo waxan tegay teerya Garasboore
Gubatadii Gubluudaan iyo waxan tegay ceelki Gumareede
Gacan bay ka gaadeen hooyadii gaaridila ahayde
Oo lug bay ka gaacsheen walalkii talada goynaayay
Alle ha u gargaaree kuwaa geliyay maalkooda
Nin gu'yari garaadkii ma jiro guriga guriga kuu muuda
Allow noo gargaar maanta waa gelin Abaareede.

Waxa uu intaa ku daray fikir aan aniguba qabay
"guulatalu haddey soo rogmato oo daadku galacleeyo
Goofihii haddii aan tagoo gole dugsoon ooto
Go'ayey iyo ma yeerteen goosan ba Maqane
Allow noo gargaar maanta waa gelina baareede".

Muddo yar kadib oo Ari yar inoo haray, Ratigiina bakhtiyay, Saci hiina waxna macluul dishay waxna lawaayay ayaan dameer ku guurnay oo aadnay magaalada Caad oo 30km dhanka bari ka jirta Camaara.

Sababtuna ahayd, dhulka Gahayr ka ah(bannaan)  ee halkaasi leedahay in aan degno,
Nasiib wanaagse waxaa da'saday roob oo gees-ka-gees hooray, waana laga baxay abaartii.

Haddaba xaggee xaalkii Hooyo iyo Wiilkeennii Curad ku xigeenka ahaa marayaa?
Aarankiise(roobkii)maxaan ku howlay anigu?
Filo qormada seddexaad oo soo booqo is booqo websitekayagn.
Anigu waxaan ahay calinuur shiine.

Qore: Waa Hal-abuur Calinuur Shiine Soomaali.

Monday, May 6, 2019

qaybtii 1aad:Sababihii igu dhaliyay waxbarashada?. Calinuur shiine

Qaybtii 1-aad.


Calinuur Axmed Yuusuf 

Xilligu waa habeen, waa bil Soon-qaad waaga noo beryaya ee aynu sugayno waa kii 11aad ee Ramadaan sanada 1430, halka millaaddi ahaanna ku beegantahay 31/8/2009.
Waxaa Sxuur inoo kiciyay Aabbehey oo kasoo toosay qol uu jiifay kuna laabtay isla qolkii, sababtana uu ku sheegay in uusan wax gasiin(raashin) ah cuni karin,balse waxa uu codsaday in shaah loo keeno.

Waxa aan aniga,Hooyo iyo curadeenna oo xaamilo ahi jiifnay Deydka Guriga, aniga ayaa u dhaqaaqay in aan shaah usoo kariyo aabbe, hayeeshee markaan u keenay ayuu ii sheegay in uusan cabi karin shaah ee aan iska dhaafo, waan suxuurannay waana seexannay.

Mar aan sii gam'aynay ayaan maqalnay cod aynan sixi karin, hurdadiinna sii wadannay, Salaadda subax waxa inoo toosi jiray badanaa Aabbe, balse saaka maya, oo masoo dareerin, Hooyo ayaa inoo toosisay kadibna igu tiri"soo kici aabbe ma waa horay ka sooftay" ka sekow inuu hal-hays u ahaa Hooyo macaan hadalkaasu aniga dareen ayuu igu abuuray, deg-deg baan u toosay oo gurigoo u soo riixnaay gacanta saaray anigoo wel-welsan kuna dhawaaqaya aabbe,aabbe, balse wax jawaab ah ma helin, waan sii riixay isagoo jiifana go'ii uu hu'sanaa mise waaba isagii oo naf-baxay !!!, hadde maxaa yaal,waxa aan ku war geliyay Hooyo iyo gabadhii Curadeenna ahayd, kadibna ehelkeenna qaar kamida iyo deriska ogaysiinnay waxa dhacay oo ah geerida ku timid Aabbahey AUN.
Waa tii alle, ee ma jirin wax la yaqaan ee uu sababsaday Aabbe AUN.
Aabbahay Axmed Yuusuf, wuxuu xilligii Dowladdii kacaanka waxbarashadiisa gaarsiiyay Dugsi Sare oo uu dhammeystay siddeetamaadkii, immika uu dhimanayayna malaha 50 -kii waxbaa u raacay mase badna.

Waxa laga dhigay Bare(macallin) oo dhowr meelood ayuu shaqo Barenimo ku tegay.
Waxa sheeko igu soo gaartay inuu Awowgay Yuusuf ku duceystay inuu Eebbe u keeno wiilkiisa maadaama dalka qulub-qulubi ka jirtay, waxa uuna deggana Miyiga magaalada Camaara oo dhacda Gobolka Mudug.
Ka sekow inuu guursaday qiyaas ahaan 1986-kiiye waxa uu iska galay beero tabcasho iyo xoolo dhaqasho.

Isagoo miyiga tolkiisa la dega una joogaan 3 gabdhod iyo 4 wiil ayuu Aqoon-kororsi(Siminar)ay qabanayeen Hay'ado u tegay Magaalada Xarar-dheere ee koonfurta gobolka Mudug 1999-kii, waxa uuna ku guuleystay in loo qaato Bare Dhigi kara Sayniska,Af-soomaaliga iyo xisaabta ee dugsi(iskuul) laga aasaasay Camaara.

Nasiib xumase,2004 ayuu Dugsigaasi bur-buray isna miyiga iyo magaaladuu u dhaxeeyay

magaalada waxa aan ku lahayn hal Guri iyo laba boos oo waaweyn, Miyigana xoolo yar baa noo jiray beerana waa ku lahayn, waxa iga weyn aniga laba gabdhood iyo laba wiil, marka laga reebo wiil isagoo yar dhintay(AUN),

Halka sagaalna iga yaryareyd, oo ay gaar kayihiin laba dhimatay.

Marka laga reebo curadeenna oo marwo ahayd waxa aan ku mashquulnay tabcist beerihii iyo dhaqista xoolo inoo joogay.

Sanad ka dib waxa billaabatay Abaar, innana waan u taag-weynay waase ku howlnay bad-baadinta ubadka innaga yar.

Filo dhawaan: #Aniga_iyo_Abaartii
Sawirka Calinuur Shiine So.

Sababihii igu dhaliyay waxbarashada

Qofkii caqli low malee

 Madasha uma aannan iman Qofkeenna mariilka ihi Markii uu u baahdo dawo Hadduu gacan marane yahay Miciin inuu waayo oo Innana maydkiis sugno...