Afartii sano ee ugu danbeysay waxaa si' is daba joog ah u soo muuqanayay dhallinyaro qorayay Buugaag isla markaana ka mid noqonayay
qoraayaasha Soomaaliyeed.
Qoraagu ma aha qof sahlan, oo kaalin
muhima ayuu bulshada kaga jiraa, hayeeshee qoraa waa la noqon karaa
lamase noqon karo qoraa wanaagsan.
in aad buug qortaa waxa ay u
baahantahay xeeldheeri aqooneed, aragti qoto dheer iyo waayo aragnimo
nololeed. waxse hadda ay waayo aragnimadii gashay dhanka akhriska oo
aad ay ugu fiican yihiin dhallinteennu waayadan danbe, taana, waa tu loo
baahanyahay oo ruuxu marka uu arday yahay misna uu akhriyo Buug
uu aqoonyahan qoray ama Abwaan qoray waxa uu qaadanayaa aragtidiisii sidaa
si la mid ah waxa uu helayaa aqoon buuxda.
hayeeshee waxaan laga sinneyn karti u lahaanshaha soo saaridda Dhigane(Buug) tayo leh.
tolow ma jiraan waxyaabo muhim u ah Qoraa ruuxa laga doonayo in uu ku sifoobo?
haa, waa jiraan.
qofka doonaya in uu Buug qoro waxa uu ka qoraa wax isaga ka dhex guuxaya
isla markaana ku soo laa laabtay oo uu ka jiifi waayay kana joogi waayay
in uu sheegana doonaya.
laab ka guuxaas ayaa ku qasbaya in uu Buug ka diiyaariyo arrinta isaga la soo gudboonaatay ha ahaato: Murug, farxad Iwm.
Tusaale ahaan anigan Calinuur shiine ah waxaa ka guuxaya laabteyda
dhaqanka Soomaalida;- markaas baan jeclaanayaa in aan la wadaago
bulsho-weynta, waxaase aan hubaa haddii aanan aad ugu kuur gelin inaanan
wax fiican soo saareynin,sidaa aawadeed baa aan u baahanayaa jaranjaro
aan caqabadahaa kaga tallaabo si aan wixii aan doonayay iyagoo idibilan
oo dhammeystiran iinna laga dhowray u soo gudbin lahaa ama usoo bandhigi
lahaa.
Qoraagu siyaabo kala duwan ayuu wax u qoraa sida:dhacdo in
uu wax ka qoro ha ahaato mid murugo ama farxad e, dhaqan ay umadi
leedahay oo soo jireen ah, Sooyaal iyo taariikh la soo cusbooneysiinayo
si jiilasha danbe ugu aayaan dhaxalna ugu noqdo, in wax laga qoro
arrimaha jaceylka iyo sidoo kale sheekooyin khiyaal ah oo la mala'awaalay.
se ah kuwo dhici kara.
intaas iyo in ka badan ayaa uu qoraagu diiradda saaraa balse nasiib xumo dhaliilo kama dhammaadaan binii'aadmigu.
Haddaba waxaa looga baahanyahay qoraaga aan in yar ku soo koobo e.
1) Ku xeel dheerow afka aad wax ku qoreyso oo baro erayo badan si aad u
sameyso dhigane ku qoran af yara cuddoon oo loo soo xiisi doono
akhriskiisa, adiga ayaa Buug ka dhigi kara buuggaaga u dhookh adigu magac
oo qurxi dadkuna marka ay ka helaan iyaga ayaa magac ula bixi doona
buuggaaga.
2) U kuurgal waxa aad wax ka qoreyso, tusaale:haddii
aad dhacdo dhacday wax ka qoreyso waxaa la rabaa in aad xog
dhammeystiran ka heyso si aad uga qanciso dadka uu ogaanshahooda tuhunku
uga jiro.
3) Nuxur u yeel Buugaaga: oo maxaan kala jeedaa?
tusaale afka Soomaaligu wuxuu leeyahay: maahmaah,murti, gabayo,
sheekooyin aan caadi aheyn iwm. ka waran haddii aad ku shaqasho Buuggaaga
oo aad ku dheehdo murti iyo maahmaah amase sheekooyin ma maleyn kartaa sida loo macaansanayo? haddii aad
mahmaahdo, haddii aad murti soo xigato, haddii aad sheekeyso waa lagu
jecleysanayaa waxa aanad gaareysaa heer buugaag kuwaaga ah oo aanu arkin
ruuxu inuu u hiloobo baadi goobkiisana galo.
4) Baro sida wax loogu qoro agabka lagama maarmaanka u ah wax qoristaada, sida Kombiyuutarka, farta gacan qorada ah iwm.
kuwaasi waxay kaa kaalmeynayaan in aad si fudud oo aan khalad ku jirin u
soo saarto.
Oo gacan qoro maxaad uga baahantahay? waad u
baahantahay,ma adigaan wax urursan(note-gareysan) ka hor intaadan buugga
billaabin haddaba taasi waa taas.
5) Baro astaameynta
qoraalka: waa kaalin muhim ah, dhallinyarada qarnigan wax qorase kuma
baraarugsana. waxa aan akhriyay dhiganayaal farabadan oo ay qoreen
jiilkaygu haddana waan dhaliilay oo ceebo badan ayuu Buuggoodu lahaa.
waxaa lagama maarmaan ah in aad astaameyso fartaada, si uu ugu
raaxeysto akhristahaagu. waa lagu oomayaa waana laga qash dhacayaa
akhriska buuggaaga haddii aadan astaameyn.
guntii iyo
gebengabadii waxa aad sameysaa tifatir Buuggaaga in khaladaad kaaga jiro
iyo in kale. kama dhameyn kartid khalad laakiin isku day in aad 95%
saxdo oo aad ku celceliso.
DHAMMAAD.
W/Q : Calinuur Shiine.
Haddii aad ku qanacday mahadsanid wixii weydiin ahna isoo weydii. oo igala soco facebook-gayga ah "Calinuur Shiine So".
mahadsanid. 2/10/2018.

Aad iyo aad mudne waan ladhacay qor madaan
ReplyDelete