#Sheekadii_ABAAL
Waa sheekadii iigu saameynta badneyd sanadkan waa jaceyl,waa lammaane is fahamsan, waa Ul iyo diirkeed, waa .....
Had ba u naso adiga ayaan ba ka daali doonine.
............................................................................
Mahadsanid Saaxiib walaal iyo dhiirrageliyaha hankeyga Farah Sheikh Ahmed isku dubaridka sheekadii #ABAAL ALLE hakaa abaal mariyo.
*Sheekadii lamagac baxday _ABAAL_* *oo dhameystiran*
Waxa an ku jiray jikada si aan u diyaariyo cuntadii uu jeclaa, waxa mar qura dhagaheyda soo gaaray dhawaaqa garaaca albaabka, isma laheyn cidbaa imaaneysa, oo maba jirin qof aan sugaayay. Sida caaddada ahna xaajigeygu isaga oo aan isoo wicin, ma uusan soo garaaci jirin albaabka. Waxa aan usoo dhaqaaqay dhankii ilinka si aan u hubsado cidda taagan, maadaama aysan jirin reer ila daganaa guriga, ama dad aan sugayee isoo booqanaayay.
Markii aan furay albaabka ayaan si kadis ah u arkay ubax qurux badan oo midabbo badan ka kooban, waa aan maleysan waayay. Waxa aan si lama filaan ah u maqlay codka seygeyga oo illeh, gacaliso galab wanaagsan, mar qura ayuunbuu dhexdeyda qabsaday oo uu ii wareejiyay sida dhallaan uu ciyaar barayo oo kale.
Waxa aan isku soo raacnay qolkeennii fadhiga inta aan gudaha u galin yaan ka siibay kabaha iyo sharaabaadadii/sigisaantii, waxa aan mid mid uga saarray dharkii uu xirnaa/sitay kaddibna ayaan ku iri soo meyro/qubeyso xaaji.
Intii uu qubeyska ku maqnaa ayaan u soo diyaariyay cabitaankii uu jeclaa iyo inyar oo faakiheysi ah/afku dhufasho ah.
Kolkii uu soo baxay baan anne soo meyrtay/qubeystay oo aan soo xidhay, dharkii soo dhaweynta. Inta si naxariisle ii eegay buu igu yiri xabiibti aad baad u qurux badan tahay.
Waa aan dhoolla caddeeyay oo aan yara qoslay baan ku iri quruxdu waa indhahaaga jaceylka buux dhaafshay ee iga dhex dusaya.
Kaftan, fara ka ciyaar, qosol iyo damaashaad kaddib waxa uu aaday masjidka oo inoo jiray in cabaar ah, si uu jamaacada ula soo dukado sallaadda maqrib.
Markii uu soo laabtay kaddib, waxa aan wada tagnay qolkeennii jiifka si aan wada jir wax ugu wada akhrisanno.
Isaga waxa uu jeclaa akhrinta buugaagta hoggaaminta iyo maamulka ka faalloota, anigana waxa aan aad u jeclaa akhrinta buugaagta jaceylka iyo arimaha qoyska ka faalloota.
Markii aan in cabaar ah ku howlaneyn akhrinta, qof kasta waxa uu xiiseenaayay, ayaa waxaan u dhaqaaqay dhanka jikada si aan u soo diyaariyo cashada.
Intii aan ku howlanaa diyaarinta ayuu xaajigeygii naxariista badnaa iigu soo galay kijada, si uu ii caawiyo.
Miiskii cuntada ayaan ku sharxay dhammaan wax kasta oo indhaha u roon, kana turjumayay dadaalkeygii wacnaa.
Waxa aan mar qura bisinka ku billaawnay cunnadii iyada oo midkeen midka kale afka u galinaayay, alla maxaa ka qurux badan marka lamaanahaagu inta qaandada soo qaado si naxariis iyo kalagaceyl ku dheehan tahay afka kuugu geliyo cunnada, ee aad adiguna halka uu biyaha ka cabbay aad inta afka saarto si dagan oo dareen gelin leh uga cabto marna aad midigtaada ku siiso jaceylkaaga.
Qof nasiible baa hela quruxdaas, aniguna waxa aan ka mid ahay marwooyinkaas nimcada ALLE lagu maneystay middood, Haah alle mahaddii inta aan niyadda ka iri ayaan gacaliyaheygii u meyray gacanta, inta uu iiga hormaray istiraashadii buu ii tirtiray afka iyo gacmaha, aad baan u qoslay feejignaanta iyo sida uu u jecel yahay in uu mar walba iiga hormaro wax qabadka.
Waxa uu igu yiri xabiibti mahadsanid ALLE ha ii kaa dhaafo, aad beey u macaan tahay cunnadaada waa sababta aanan u jecleyn in aan maqaaxi wax ka cuno, alla muxuu noolaanayaa nin ku heysto, waan ku jeclay xayaati Allaha kuu siyaadiyo naagnimaada.
Runtii ma qiyaasi karin sida dareenkeyga iyo dulka maqalkeyga ay u dhuuxayeen kalmadaha macaan ee kasoo burqanayay, afka iyo qalbiga naxariista lagu haggoogay.
Inta aan soo istaagay oo aan dushiisa imid yaan ka dhunkaday sajuudda, dibnaha iyo labada dhaban, markaa ayaan ku iri nolosheyda wax kasta adiga ayaa mudan xaq baadna u lee dahay in sidaa iyo si ka habboon laguugu adeego, waxa aan ku faanayaa in aad tahay seygeyga Alle igu ilhaamay, waxa aad hanatay qalbigeyga oo aad ku yeelatay qasri adag.
Daruufaha iyo xaaladdii aan soo maray, waxaa tahay qof kii iga meyray oo ii furay albaab rejo iyo nolol qurxoon daah looga yeelay.
Intii aan is dhaafsaneynay kalmadaha, oraahyada iyo hadalada dareenka xasiloon kasoo go'ayay buu mu'adinkii dhawaaqay waxa uuna isu diyaariyay sallaaddii cisho, wuxuu igula kaftamay qaali sallaadda kadib waan soo yara caweynayaa haddii aad ii oggolaato.
Inta aan isyara xanaajiyay baan ku iri haaye anne yaan la caweynayaa huunno, haddaad adiga asxaabtaada iskala soo baashaasho.?
Inta uu qoslay buu igu yiri dee iska naso oo yara jiifso maanta dhan baad howl ku jirtay, mida kale asxaabta waa ay igu camiranayaan oo awalbeyba maalmahan i hadal hayeen.
Intaan is celin waayay baan iri haayee maxey kaa hadal hayeen oo aad sameysay, ii sheeg?
Waxa uu yiri qaali hadal heyntu wax kale ma ahe ee, waxaa la lee yahay ninku naag jecelaa show wey sixirtay sow kan guriba ka soo bixi'la, malaha waa dhadhab naagta mooyee aan caqli kale la heyn, waxaa iyo waxaa baa dhagaheyga soo gaarayay.
Inta aan sara is taagay baan iri wagar oo maxaa uga gadhiisha waxa aan isku falno, alla ummaddan baaban ka yaabay maanu camalkale laheyn? In ay reeraha howshooda iyo xiriiradooda ka faalloonaayaan mooyiye.?
Inta aan acuudu billeystay baan iri iga daa yeysan i dambaajin, awalba waan ogaa in ay ku maseersan yihiin jaceylkeenna iyo nolosheenan quruxda badan, orodoo cishaha soo duko hana iga soo daahin anigu ma xamilli karayo in aan keli ahaado, ka badan inta aad maallinkii shaqada jirto.
Inta uu ii gacan haatiyay buu igu yiri, haye xaajiyo ha i daahsan inyar uunban soo caweyn kaddib sallaadda.
Kolkii uu iga tagay baan bilaabay isla hadal iyi maxey dadkani ka rabaan wada jirkiinna.? Maxey u arki la' yihiin wanaaggiina.? Maxey u daba joogaan jaceylkiina iyo sida aad isku kool koolineysaan.? Iska daa caada xumada Soomaali ban u nahay oo lamaba arki karo nin iyo xaaskiisa oo isku roon.
Yaab oo miyeysan ogeyn in NABI MUXAMED NNKH uu xaasaskiisa u dhimrin jiray, welibana uu la tashan jiray, jeclaa oo uu gargaari jiray.
Mise weli waxaa naga dhammaan la' dhaqankii miiga oo ay adkeyd in dumarku raggooda wax la cunnaan iska daa sheeko iyo damaasheede,
Waxa an in cabaar ah ku mashquulsanaa is weydiinta, su'aalahaas iyo waxa ay dadku u garan la'yihiin, nimcada guurka dhex taal.
Abbaara 9:00 Habeennimo ayuu soo hoyday hanadkeygii aniga oo weli fadhiya meeshii uu iiga tagay, inta uu soo kada loobsaday buu yiri maxaa ku helay boqoraddeyda, isaga oo dhabanada i haya, misana madaxa iisaray madaxa.? Inta aan garka qabtay ayan ku iri gacaliye waxa aan ka cabsi qabaa in aad is beddesho, oo ay saameyn kugu yeeshaan hadallada dadka. Haa waxa aan ka baqanayaa in la ileysto farxaddeenna, wada jirkeenna iyo kalagaceylkeenna ugubka ah.
Garbaha ayuu iga soo qabtay, waxa uu ila aaday qolkeennii isaga oo aan wax wara igu oran, markii aan tagnay sariirteennii jiifka, ayaa iiga sheekeeyay taariikh macaan oo aan ku illaaway isla hadalkii, illaa aan hurdoodo oo aan kagama gam'o laabtiisa.
Waxa aan toosay aniga oo aad u faraxsan, dagan oo ku jira jawi macaan, waxa aan eegay hareerteyda mise xabiibkeygii ma joogo, aniga oo yaaban bey indhaheygu qabteen warqad koobadiinka dul saarran, waxaa ku qornaa.
Qalbi Subax wanaagsan waa aan ka xumahay waxa aan baxay aniga oo aan ku macsalaameyn, welibana aan wada jir u quraacan saakay, iga raalli noqo waxa aan diidanaa in aan hurdada kaa qaso maxaa yeelay aad beey kuugu macaaneyd aniguna waxa aan u kallahay howl adag oo xafiiska iga heysatay.
Waa inoo hadhow qalbi wanku jeclahay.
Isla markii waxa aan soo haabtay teleefankeyga si aan u waco, balse waxa aan ka door biday in aan farriin u diro maxaa yeelay waxaa laga yaabaa in uu aad u mashquulsna yahay.
Gacaliye subax wanaagsan waa aan ka xumahay in aad baxdo aniga oo jiifa, adigoo baahan dhibka adiga dhigay oo xallay dhan sheeko macaan igu anqariyay, alla ma taqaan waxa aan ku riyooday? iska daa caawa ayan kuu sheegayaa haddii alle idmo, ogow dhunkashadeydii sagootinta waa aan kugu lee yahay, yaah.
Hhhh mooji in aad hurdada igu siisay, may may sow ma kaceen markaa hadde iska gud deynta macslaama nolosheyda wan ku jeclahay.
Waxa aan galay is diyaaris iyo habeynta guriga saacad kadib waxa isoo wacay xaajigeyga, hello xabiibi shaqada makuu fududaatay.? ayan ku iri inta qoslay buu igu yiri albaabka iga fur layaab ayey igu noqotay, waxa aan is dul taagay ganjeelka mise waa boqorkeygii oo gacmaha baco ku sido, sida caaddada ii aheyd waa aan isku duubay oo aan soo qabsaday dhexda qeyb bacaha ka mid ahna kala wareegay.
Waxa uu siday quraac uu inoo soo xullay subaxaa, waxa aan si diiran u wadaagnay quraacdeennii alle mahaddii, markii aan bogannay cunnada ayan ku iri saakay maxaa iiga dhuumatay, waxa uu igu yiri waxa aan damacsanaa kediskan.
Jeebka ayuu gacanta galiyay waxa uu iso bixiyay faraanti aad u qurux badan, maaha dahab balse qiimaha iyo quruxdiisa ayaa ka qaalisan dheymanka.
Si degdeg ah ayuu ugu laabtay shaqadiisa, maadaama uu soo fasax qaatay saacad qura.
Koolkoolinta, dhowridda iyo hab dhaqanka ninkeyga #Hanad waa astaan muujineysa ragganimada ku jirta, isaga oo iska dhaga tira warxuma tashiilka iyo dadka dacaayadda la daba jooga.
Waxaa u dheer karti iyo dagannaan aan is lee yahay nin ku gaara ma joogo dunidan, bilicda ilqabadka leh qoraansiga ishaada kolka ay sii raacdo waxa aad haweysaneysa in aad ka dalbado agjoog saacado ah, si aad uga bogato muuqa iyo maqalka codkiisa tolmoon.
Naxariista, hadal macaanida iyo murtida ku aasani waa mid igu maseer gelisa maqnaashihiisa saacadaha kooban ah.
Qancinta garaadeysan ee gogosha waa mid uu raad fog kaga reebtay qalbigeyga, oo ma dhicib in habeen qura ciishooda.
Nadaafadda, labiska, udugga iyo is daryeelkuba waa mid aan aniga kaga daydo, ma qaato shey aan aniga u xullin anigana sido kale, waxa aan ku qasbanaadaa in aan habeenkii kasii fikiro waxa uu xiran lahaa berito.
Xiriirrinta qaraabada, taakuleynta iyo baarrinimada waa mid uu kaga tilmaaman yahay qoyskiisa, sida hooyadii ugu yeertaba #Deeqsi. Magaca loogu waqlalay waa #Muxamed Halka aan aniga ugu yeero #Hanad Iyo magacyo tiro dhaafay, kuwaa oo ka turjuma hadba heerka macaanidiisa.
Gacan furnida iyo garab istaagga joogtada ahi waa mid ay gabdhaha jaarka nala ah, iigu cowriyeen oo ay yiraahdaan alla muxuu noo geesmaray kani.
Waa aan hubay ducada hooyadeey iyo waalidkeyga kale in aysan i garab mareyn Maxaa yeelay har iyo habeen bey hooyadeey igu oran jirtay #Duca_qabe_hel Hadde waa sidiiyo waxa is helay waa Duceysan iyo Duceysane. #Hodan baa la iigu waqlalay halka Xaajigeygu iigu yeero #Habboon.
Quruxda qoyskeyga waa mid aan ugu duceeyo lamaane kasta, qilaaf walba waxa aan u xallinnaa si hoose, weli buuqeenna cidna kuma ay soo bixin maxaa yeellay waxa aan kala saxiixannay heshiis kaas oo u qornaa sida tan.
Ugu horeyn waxa aad ila fahamta, ujeedka iyo himmiladeenna nololleed.
Tilmaamaha aan rabo in aan kuu tusaalleeyo, waa kuwa saldhig u ah jiritaanka xiriirkeena guur.
1: Igu kalsoonow oo i aamin si ay nolosheenna u noqoto, mid ka shaki la' xumaanta iyo malada.
2: ii dhowr sida ubadkaaga oo marnaba dhibaato ha ii horseedin.
3: Markii aan xanaaqo ha ila caroon oo isku day in aad i dejiso igana farxiso mar walba.
4: i cafi oo ha igu ciqaabin qaladaadka, ii sheeg oo iga waani wixii xun, hana iga fogaan sabab dambi aan galay aawadeed ah.
5: Ha iga qarin wixii kula soo gudboonaada, oo yaanan ka maqal sirtaada banaanka marnaba.
6: Hormarkeyga ha noqdo kaaga oo yeysan dhicin in aad garan weydo, waxa noo wada dan ah, hana ka hor imaan guulaheenna.
7: Jaceylkaaga ha noqdo ficil iyo dareen, yuusan noqon magac iyo maaweelo.
8: Ii ahoow Aabbe, walaal, saaxiib, ehel iyo seygeyga ugu daryeelka badan dunida, iina dhowro sida waalidkaaga oo kale.
9: Xaqdhowr oo xiriiri ehelkeyga iyo qof kasta oo xageyga ah, si aan u helo duco iyo ammaan.
10: Nafteyda ilaasho, oo hakuu noqoto waxa ugu horreeyo ee aad ka fikirto una dhimriso.
Qodobadan iyo kuwa kale waxa ahaayeen, heshiiskii aan hor dhigay ka hor guurkeenna.
Xaqiiqatan aad baa ula dhacay, waana sababta uu maalinba maalinka ka dambeeya usii qurux badnaato xiriirka guurkeena.
Waxa aan ku heshiinay warkasta oo aan afka iska niri in aan ficil iyo fal u beddelno, waana waxa ilaa maanta uu guurkeenna uu uga tilmaaman yahay kuwa kale.
Quruxda,farxadda iyo hab nololleedkeenaba waa mid ay saldhiganeyso in aan ku sii waarno nolosha mida aan anaga dooranay, ALLE idankii.
Intaa ka dib waxa uu xaajigeyga ii yimid anigoo aad u fikiraya misana dib u jaleecay xasuusihii iyo waayaheenni nololleed, kasoo bilow habeenkii aqalgalkeenna, bishii malabka, maalmaheenni dalxiiska, safaradeenni hawa beddelashada iyo hanaankii aan kusoo wada joognay.
Wuxuu igu yiri qaali weligaa, haku fekerin wax aan hormarkeenna muhiim u aheyn, waxa aan ugu jawaabay xabiibi waayaheeenni hore uunbaan dib u daawanayaa, ee iisoo qaado waqti fiican, hadhowna jilaatadii macaaneyd ba iga soo illaawin, runtii waqtiga iyo wada noolaashaheenna, waa mid aan ku mahdiyo mar walba, Alle nakuma keenno wax naga ileysta quruxda guurkeenna, dhabtii xaajigeyga
Waxa aan wada joognaa muddo sannad ah, ma dhicin in aan habeen qura caro iyo cuqdad ku kala seexanno, taasi micnaheedu maaha in aynan is qilaafin ama qalad naga dhex dhicin, balse waxa aan isku waafaqnay ayaa ahaa in midkeen midka kale raalli geliyo oo aan si hoose u xallinno wixii aan isku qabanno.
Maalmahan si baan u dareemay xaalad aan ku qiyaasay mid iga tan weyn si baan u careysnahay u diidanahay wax badan oo aan horay u jeclaa, sidaa aawgeed ayaan go'aansaday in aan waco saaxiibbaddeey #Hodman si aan ula wadaago marxaladdeyda.
Aniga: Hello Saaxiib haye iiwarran qaali see tahay.?
#Hodman Haa sharaf fiican see tahay adna kawarran Gacaliyahaaga.?
Aniga: qaali wa nabad isna wuu fiicanyahay war aan kuu siiyo, waayahan xalkeygu waa iska bariga dhexe si baan u caajisanahaye ma aqaan wax kasta waa ii dhibayaan.
Saaxiibteey: qaali berri baan kusoo marayaa markii aan shaqada u socdo si aan kuu wareysto, hadduu Alle idmo.
Aniga: haye qurux waa inoo berri.
Waagii markii uu dilaacay oo aan wada quraacannay aniga iyo gacaliyaheyga, kadibna uu shaqo tagay bey ii imaatay saaxiibbadey Hodman, waa aan wada fariisannay kadib bey iga wareysatay intii aan iska dareemay xalaadan is beddelka ah, intaa kaddib waxa aab isku waafaqnay in aan aadno baaritaanka si aan u hubiyo caafimaadkeyga.
Waxa aan imaannay isbitaalka kadib ayaa la ii diray baaritaan fara badan oo isugu jiray dhiig iyo kaadi, waxa aan in cabaar ah sugnay jawaabta sheybaarka.
Waxa la igu wergaliyay arrin farxad leh oo aan ku riyoonaayay wax badan, Alle mahaddii waxaa la iigu bishaareeyay in aan siyaado lee yahay/uur.
Dhabtii maalinkaa aad baan u faraxay weliba farxad aan la qiyaasi karin, waxa aan soo aadnay suuqa si aan kadis qurux badan ugu diyaariyo xaajigeyga.
Waxa aan soo iibiyay waxyaabo bilicda guriga sii qurxinaya, haddiyado iyo lamafilaanno aan doonayay, in aan xabiibkeyga kusoo dhaweeyo caawa.
Wuxuu waqtigu is guraba saacadduna saacad u sii dhiibtaba, waxa la gaaray waqtigii aan dhararayay, kolkii uu yimid xaajiga oo aan u soo dhaweeyay sidii caadada ii aheyd ayaan indhaha ka xiray kaddibna gacanta kasoo qabtay waxa aan dhex keenay qolkii boqortooyada, waxa aan ku iri kusoo dhawoow qalbi nolosha cusub iyo baalka dahabiga ah ee noo dilaacay caawa, inta aan dhabanka ka dhunkaday baan ku iri, qalbi hambalyo waxa nagu soo biiray ubixii jaceylkeenna.
Aad buu u farxay, waxa uu igu yiri qaali ALLE hakaa farxiyo waa aad iga farxisay caawa lama qiyaasi karo dareenkeyga, waxa uuna yiri inta laabta igu qabtay Alxamdullillaah, Alxamdullilaah Seddex jeer, gacaliso quruxda gaarka ah ee kaa muuqato caawa, bilicda guriga iyo udgoonkan meel walba qabsaday waa mid i dareen galisay markii aad qolka isoo galisay.
Ma aqaan waxa aan ku cabiro xaaladdeyda caawa, maxaa yeellay waxaa inoo rumowday mid ka mida riyooyinkeenni iyo rajadii nolosheenna ugu quruxda badneyd.
Markii uu intaa maraayay baa illin iga soo daadatay,oo aan is cellin kari waayay, hadda waa illin farxadeed maaha mid murugo, waa aan isku duubay oo aan isku dhejiyay anoo laabtiisa si xooggan isugu nabaya, ma heyn awood iyo cod aan ku iraa hadal badan, kaliya waxa aan lahaa nolosheydii, qalbi, macaane, xabiibi, deeqsigeyga, Xubbi, Nuurkeyga iyo hadallo gaagaaban oo dareen farxadeed la huwiyay.
Inta labada dhaban sajuudda iyo dibnaha iga dhunkaday buu yiri sharaf waa adiga iftiinka iyo quruxda nolosheyda, waxa aan isugu hambalyeeneynaa ubaxa jaceylkeenna oo sii qurxinaya nalkana u shidaya gurigaan u baahnaa ileys kusoo kordha, inta uu jilbo jabsaday misana caloosha iga dhunkaday buu yiri aabbe noolow kusoo dhawoow makaanka hooyadaa ki xasil oo ku nagoow waxa aan kuu rajeynayaa bad qab iyo in aad soo banaan baxdo adigoo nabdoon insha'ALLAAH fadlan ha dhibin hooyadaa, micnaha ha iga dhibin gacalisadeyda.
Waa aan qoslay oon qoslay weliba saa'id waxa aan ku iri inta garbaha kasoo qabtay oo miyuu ku maqlayaa ubadkaagu sow adigan la sheekeysanaya xaaji.?
Waxa uu yiri haa qaali waa uu imaqlayaa ubadkeyga waxa aan rajeynayaa in uu dardaaranka qaadan doonno, sharaf ina keen soo seexo istaagga badan kuuma roona, waxa aan tagnay sariirteenni jiifka, kaddib ayuu gacaliyaheygii soo qaatay kareem buu iiga billaabay lugaha illaa kala goosyada, dhabarka, gacmaha, qoorta iyo xubinkasta oo laabanta. run ahaantii aad buu u yaqaan masaajka oo wa aan u kala tartarnaa habeenkii hadba qofkii ku hormara kareema ayuunbaa billaaba.
Sheekada, kaftanta, ciyaarta, raaxada iyo qancintuba waa mid aan wada jir u qeybsanno, waxa aan ku jirnaa nolol tii ugu macaaneyd, mararka qaar baa dhacda in uu shaqada ka daaho subixii sida aan u dhiba dhibeeyo.
Waajibaadkeennii kaddib ayaan bustaha wada galnay oo aan wada jir u gama'nay, mahad alle waxaa aan toosnay subax nooga duwanaa subaxyada kale, waxa uu ahaa subax jimco ah markii aan wada jir u sameysanay quraaxdeennii, oo aan iska sheekeysaneyno maadaama uusan wax shaqo ah laheyn maalinkaa aya aan isku afgarannay in aan reerka soo booqanno, waa aan is diyaarinnay oo aan war galinnay reerka in aan kusoo food leenahay, kaddib waxa aan usoo dhaqaaqnay dhankaa iyo degmada waaberi halkaa oo ay daganaayeen walaalihii iyo waalidkii.
Waxa aan imaanay xaafaddii.
Waxaa albaabka/ilinka inaga furay yaraanka reerka Mahad, kaddibna waxa aan u gudubnay guriga aad baa naloo soo dhaweeyay, si hab sami leh oo quruxdeeda wadata.
Waxa aan tagnay qolkii naloo diyaariyay, waxa ay aheyd casuumad sharfan oo aad loo agaasimay, waxa aan wada qadeennay dhammaan reerka, waxeynu wadaagnay farxadda ubaxa kusoo kordhay reerka, dumaashiyaasheey baa igula kaftamaayay aniga igu sami haddii uu wiil noqdo halka hablahana lahaayeen aniga igu sami.
Sheeko iyo kaftan dheer kaddib, waxaa wada jir inoogu duceeyay Maamo Asli iyo Aabbe Raagge, oo ahaa sodohdeey iyo sodogeey waxa ayna nasiiyeen dardaaran fiican iyo sidii aan u noqon laheyn dad reerkooda dhaqda iskuna sabra marxalad walba, kaddib ayaan cabbaar seexannay oo aan nasannay mahad ALLE, Casarkii markii aan dukannay, ayaa aan ka soo tagnay reerka, waxa aan qabanay xaggaa iyo xeebta si aan u soo qaaddanno hawo.
Waxaa immaanay xeebta maqaaxi u dhaw, si aan u daawanno bilicda una qaaddanno hawada macaan iyo leedha/leerta caafimaad.
In cabaar ah markii aan fadhinnay ayaan aadnay qeybta hoose ee biyaha si aan ugu soc socno xeebta, waxa aan isha la raacaay hareeraha iyo dadka raxan raxanta u socda ee u soo dabaal tagay badda, aniga iyo gacaliyaheyga wey noogu duwaneyd jawiga aan ku soconnay, kan ay dadka kale ku joogeen xeebta.
Waxa aan iri bal eeg xabiibi maalmaheenaan quruxda badan maxaa ka wacan, waxa aan galnaa xaaladba xaaladda ay ka macaan tahay, waxa aad ii hurtaa waqtigaaga adigoo inta ugu badan igu bixiya aniga, dhab ahaantii markii aan ku dooranaayay ma qiyaasi karin in ay waxaan oo wanaag ah kugu duugnaayeen.
Kaliya waxa aan sawir guud ka heystay qiimahaaga oo waxa aan kugu tabaayay in aad iga farxin doonto.
Jaceylkeyga ma nusqaamo mana qayirmo weligiis xabiibi aad baan kuu jeclahay.
Waxa uu igu yiri gacaliso la'aantaa waxba ma noqdeen waxaa tahay quruxdeyda, iftiinka aayaheyga ma xasuusataa habeenkii aan guurka hoosta ka xariiqnay waxa aan kugu iri markii aan ku helo ayaan heli doonaa dunida oo dhan, waa kaa maxaa iga maqan maanta.?
Xaas wanaagsan ubad alle iigu dhex beeray, nolol qurux badan oo macaan, jawi dagan oo is faham leh naxariis iyo kagacal sii bulaala, is adeecid dhaga nuglaansho, isku damqasho saluug la, aan, hanaan iyo habsami u socod aan weli horay loo arag.
Waxa aan ahay ninka dunida ugu nasiibka iyo farxadda badan, waxa aan ahay ninka dunida ugu geesisan uguna kartida badan maxaa yeelay waxa aan heystaa xaas ALLE ku maneystay dhiirra gelin iyo diirnax, aad beey iiga maseeraan ragga asaageyga ah sababta oo ah ma jiro nin heysta adiga oo kale xitaa heli kara.
Waxaa tahay deeq, hibo, hanti iyo hiddaayo ALLE xagiisa iiga timid waxa aan kula meel dhigaa sifihii ambiyada iyo asxaabtii kheyrka, waxa aan ALLE inooga rajeynayaa in uu jannada inagu kulmiyo teenna adduunyana sidan iyo ai ka sii qurux badan inoogu wado.
Inta aan garka qabtay ayaan ku iri xayaati aamiin ducada, waxaase xaqiiq ah in aan aniga ayaa kaa naasiib badanahay, maxaa yeellay adduunkan lagama helaayo nin kaala siman hibooyinka ALLE kugi maneystay, anigu waxa aan ku daydaa oo aan matalaa wanaagga iyo dhaqankaaga tolmoon, halka aad adiguna daboosho oo aad hagaajiso qaladaadkeyga iyo dabcigeyga kulul.
Waxa aad masaajeysaa qalbigeyga oo aad ka dhowrta hadal xanafleh, illaa aan ku gam'o luuda codkaaga naxariista leh oo macaanida lagu ilhaamay.
Waxa aan ka maseeraa eegmada ay hablaha ku soo eegaan iska daa hadalle, waxa i dareen galisa oo aan ka samri karin qancintaada iyo raalli gelinyaada joogtada ah.
Waxa aan illaaway waxkasta oo isoo maray sax iyo qalad kaliya waxaa ii bidhaama sawirka aad riyada iigu dhisto, waxaa ii muuqda qisada nolosheenna oo ay carruurteenna ka wada sheekeysanayaan, weliba midba midka kale kula dardaarmayo noqo aabbe oo kale iyi joqo hooyo oo kale.
Waxa uu yiri insha'ALLAAH qalbi weynu gaareynaa iyana, ee ina keen maqaaxida.
Kaddib waxa aan dalbannay casho iyo cabitaan, kolkii aan dhammeysannay damaashaadka. Ayaan dib ugu soo lugeynay xeebta gees ilaa ka gees.
Waxaa la gaaray xilli dambe waxa aan soo dhaqaaqnay xaggaa iyo gurigeennii oo ku yaallay Degmada Wardhiigley/warta nabadda gaar ahaan xaafadda Geed jaceyl.
Waxa aan immaanay gurigeennii anaga oo faraxsan weliba fax fax dareemeyno.
Kaddib ayaan wada meyranay/qubeysannay oo aan isku diyaarinnay jiif. ALLE mahaddii waxa uu ahaa habeen kale oo quruxdiisa wato.
Waagii ayaa nabad inoogu baryay, sida caaddada aheyd wada jir ayaan ku quraacannay kaddibna waa uu shaqo tagay gacaliyaheygii.
Waa aan wacay haye nolosheydi ma tagtay shaqaaadii.? Haa gacalka wan tagay anigaa kusoo wacayo markaan yara firaaqoobo.
Caadi ahaan ninkeygu ma war badna balse, waa uu iga war hayaa inta badan oo ma dhicin in uu iga maqnaado ama aan codkiisa waayo waxa ka badan lix saacadood.
Xogaa kaddib ayuu ila hadlay oo aan is wareysannay, qalbi iiwarran see tihiin adiga iyo nuunaha haye ma dareemeysaa dhaqdhaqaaqiisa, haa gacaliye nabad labbadeenba adiga ayaan kuu xiisnay soo dhaqso, meeshiina ii soo mar mac mac labada daan wan ku jeclahay, haye qalbi mac mac mac indhaha dibnaha dhabanka iyo calooshaba adiga iyo nuunaha nabad gala wanku jeclahay sido kale.
Habeenkii markii aan isku imaannay ayuu ii sheegay arrin kadis ah oo aan filaneyn.
Taasoo aheyd in uu bixi doono, laguna war galiyay safar shaqo oo maalmo kooban ah taas oo uu ku aadayo Marko, runtii waxa ay ii aheyd habeen wel-welkiisa leh maxaa yeelay ma jecleysaneyn in xaajigeyga iga dheeraado ama uu hal habeen iga dhaxo.
Subixii ayaan macsalaameeyay anigoo cabaar ku dhaganaa misana ilmeynaya waxa aan lahaa ha iga soo raagin qalbi, safar salaamo dhulko taako dhib la ALLAHA kaaga dhigo.
Waa uu iso wacay markii uu nabad tagay alle mahadii, markii uu gabalka dhacay misana keligeey sariirteyda imid yaan dareemay cidlo iyo cabsi aan weligey arag, waa habeenkii iigu horreysay kaddib guurkeyga aan keli seexdo.
Waa uu isoo wacay waxa uu igu yiri qalbi caawa jawiga iima macaana, maadaama aan laba meel ku kala hoyaneyno.
Qalbiga samrayaa ku suga
Maankiyo sadrigaa ku taba
Hankaan kugu soohay keli
Waxa aan ku sabaa xasuus.
Xaaji caloosha ha i hurin anigaa diiqadeysan
Balse waxa aan weheshanayaa xasuusta iyo oraahyadaadii.
Sanadahaan raggii kacay
Sadkii aan ku yeeshoo
Ana waan ku sugayaa
Soo noqo adoo nabada.
Sheeko iyo dareenka cidlada kaddib waa aan kala seexannay, runtii waxa ay ii ahaayeen maalmo culeeskooda leh maadaama aan keligeey joogo guriga.
Waxa aan is lahaa safarka xaajigaaga iyo maqnaashuhuba ma dheeraan doonaan, balse shaqadii ayaa la fogaatay oo waxa uu sii maqan yahay muddo 6 bilood ah.
Inkasta oo aan soo aaday xaafadda hooyo, haddana aad baan u tabaayay maqnaashihiisa, oo waxa aan ku duceysanaayay in aan dhallin isaga oo maqan, waxaa ii dhammaatay bishii 9-aad maalin iyo habeenna waa aan wada hadleynay qaaligeyga, 3 maalin kaddib waa ay soo caga dhigatay diyaaraddii siday boqorkeyga ALLE mahaddii.
Waxa aan aaday garoonka si aan usoo dhaweeyo xaajigeyga, markii uu soo dagay ayaan u tilaab qaaday xaggiisa anigoo luudayo maadaama aan aad u cuslaaday waa uu ii soo orday isku key duubay oo aan is heysanay cabaar.
Waxa aan soo aadnay gurigeennii, waxa inooga soo horreyeen dumaashideey Fahma iyo saaxiibaddey Hodman oo inoo sii diyaariyay qado gurigana sii qurxiyay.
Damaashaadkii iyo sheekadii kala maqnaashaheenna kaddib waxa aan ka codsaday in aanu iga fogaan oo uu sidaa dhan ii cidleyn, waxa aan kula kaftamay qalbi ii sheeg haddii ay kuu diraan safar dambe qolyaha shaqada aniga ayaa u tagayo una sheegayo in aysan iga fogeyn xaajigeyga.
Xaajigeyga ayaa igu yiri qaali xaalad kasta iyo daruuf kasta waa in aan isugu samirnaa, waxa aan kuu ballan qaadayaa in aan ku dhowri doonno, kaana jiran doonno cadaawaha, waxa aan ahaan doonaa mid kaa fikira kuna dhaqaaleysta mar walba, haka baqan marxaladaha iyo caqabadaha nolosha ii dhabar adeeg oo ila wajah wax kasta si aan u noqonno awooddii ka bara bixi laheyd caqabadaha nolosha, waxa aan illaaheey hortiisa idin kaga ballan qaadaya adiga iyo ubadka calooshaada ku jira, in xafidan doonno.
Waxa aan ku iri mahadsanid xabiibi waa aan kugu kalsoonahay ku aaminsanahay oo aan ogsoonahay wax galkaaga ALLE ha ii kaa dhaafo, oo inama kala irdheeyo.
Maalmo kaddib abaarra 11:00 habeennimo ayaa waxaa i qabtay xanuun aad u daran malaha waa fooshii, waxa aan tagnay isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka #BANAADIR xanuun iyo nabar is daba jooga kaddib Alle mahaddii waxa aan dhallay 2:00 habeennimo iyo 40 daqiiqo ah.
Waxaa ii dhashay curadkeygii alle mahaddii subixii ayaan soo aaday oo la i keennay xaafadda hooyo.
Markii aan ka baxay 40 ka waxa aan u waqlalnay wiilkeenna oo aan ugu magac darnay #Abshir. ALLE ayaan ka barinay in uu inoo deysto, oo uu noqdo midkii sii kordhin lahaa jaceylka iyo raxmadda guurkeenna.
Waxaa aan dib ugu laabanay gurigeennii aniga iyo geesigeyga yar, waxa xaflad soo dhaweyn inoo qabtay xaajigeyga iyo saaxiibaddeenna.
Sanad kaddib waxa aan u dabaal dagnay sanad guurada arooskeenna, iyo dhalashada wiilkeenna.................. DHAMAAAD..................
Waxa aan ku koobayaa labadaas dardaaran oo aan siinayo ragga iyo dumarka raba nolol qurux badan.
#Cugasho
Dumar waa casuumade
La ciyaara fiidkii
Cambahana u soo qaad
Caraftu waa sadkoodee
Ceynkastaba u soo gada
Ha canaanan weligaa
Kolka ay carootana
Cillaan saarka geeyoo
Carwadana bal soo mari
Cugo oo dareenkood
Ciil yaanu kaa mudan
Ceebaha dhankeedana
Cafis baa u doorroon
Casharrada jaceylkiyo
Calmashada ka faalloo
Caajis yaanu kaa arag
Ciiltire ammaantiyo
Ku celceliya ereyada
Ciseyn loogu dowgalay
Caaqiloow ahaawoo
Cuqdad yaan lagaa taban.
#Hiil
Raggu waa hoggaanoo
Hiil noogu filanoo
Hagi karo nafteennee
Hooy kaad wadaagtaan
Hab ku soo dhaweyntiyo
Heelliyo ciyaartiyo
Hadal laabta hoosiyo
Haqabtira dhagtiisiyo
Haye xaaji mooyee
Hiif yaanu kaa arag.
Haddaan ka la dambayn jirin
Nolol qoys hubaashii
Hiraal iyo ma ahayn lahan
Hibashiyo samaan wacan.
Hugga muuqa kora iyo
Dharka kiisa hodankaa
Weligaa hagoognoow
Kolka uu habeenkii
Isu huro nasiinada
Hurdadiisa dhowroo
Hugun yaanu kaa maqal.
Hiirtii markeey tahay
Cunta aad habeysiyo
Waslad aad hogaysiyo
Oodkac holan u keenoo
Hilib solan u soo saar.
Kolka aad hinaastana
Adoon hoogga ba'a iyo
Halis galin naftaada
Hubso oo ujeedkiis
Miiska hadalka la imow
Sida hooyo wiilkeed
U harraadan muuqii
Hibashada u faallow
Hareertiisa weligaa
Habeen qura ha moogaan
Hooygii jaceylkiyo
Harka uu ku dagilaa
Hoodiyo nasiibkiis
Hoos iyo ileys iyo
Harac dayran uba noqo.
Nuxurka sheekadani waa mid xambaarsan muhiimada iyo quruxda guurka is fahamka lafu dhisay, guriga jaceyla lagu ababiyo, dareenka xurmada lagu anqariyo.
Waa mala awaal iyo dareen aan nafsiyan jeclaan lahaa in aan ku dabaqo nolosheyda sida oo kale, cashir iyo tusaalle uu qofkasta oo rabo nolol qoys kaga cabir qaadan karo baraaraha guri nabad iyo samir lagu dhaqo.
Waa farsamo farshaxan iyo luuqad cidkasta ay isticmaali karto, waa sixir iyo maddiideyn gabar walbaahi ku jabsan karto qalbiga ninkeeda, waa hanaan iyo hab uu wiilkastaahi ku hanan karo qalbiga xaaskiisa.
Ma aha filim la turjumay mana aha sheeko aan dhici karin, ee waa xaqiiqada iyo xurmada noloshu mudan tahay.
Waa abaal iyo keyd uu keyd uu ruux walba u meel dhigan karo aakhiradiisa iyo aayihiina nololleed.
ALLE ayaan ka baryaa in qoysaskeenna uu ka dhigo kuwa nolosha quruxdeedda fahma.
Raalli ahaanshihiisana ku wada jooga.
#JACEYL_GUULEYSTA_INSHA_ALLAAH
#HA_WAARO_JACEYLKA
#ABAAL
Waxa diyaariyay, qoray, waqti galiyay, alifay:
Farxiya Muxudiin Yuusuf kumagac dheer (Lama-filaam). Marwalba jecel kor uqaadista iyo wacyiga ku aadan hormarka iyo isfahamka lamaanaha. Waxbadana kaqorta Arimaha bulshada qaasatan dhinaca Jaceylka iyo waxii la halmaala.
.............Mahadsanidiin......... Akhristayaasha.
Codsi La wadaag asxaabtaada ado raalli ah.