Thursday, September 26, 2019

Qaybtii 2aad ee Sheekadii #DUMAR IYO DADNIMO

 #Calinuur_Shiinr_Page

 Sidaas iyadoo leh ayay ilbiriqsiyo ka dib ku war heshay isagoo barbarka ka fadhiya.
 Cali dabaal waa yaqaan oo waa isku kalsoonyahay, laakiin yaa Cudbi u sheegaya.waxa ay hoos iska leedahay "Alla waxa yaroo la yaabka leh amay baddu cuntaa"?
Cali kobtii isaga oo aan dhib ka marin ayuu soo qabtay, Cudbina awal ayay la ashqaraarsanayd wanaagsanaantiisa ee xirfaddan ay ku aragtay ayaa dareen ku sii abuurtay. Cudbi waxa ay iska dhaadhicisay in wiilkan ay iyadu leedahay.

Waxaa Cudbi uga sii darraa, markii uu wiil ku hafanayay biyaha uu ka soo badbaadiyay, dhowr dhacdo oo iyada cashar ugu filnaa isna u ahayd dhoolla-tus uusan sameyntiisa u qasdin, aayaha danbase anfaci doonta ayaa si is-daba joog ah u dhacay.

Waxaa la gaaray ammin danbe, bixitaan ayaa la isu diyaariyay, badda iyo howlaheediina waa laga soo dhammaaday. Cali wiilashii iyo gabdhihii kale ayuu soo raacay, maadaama dadku badnaayeen, labo Bajaaj ayaa la soo kala raacay, nasiib xumo se waxa ay ahayd markii ay labo Bajaaj kala raaceen labadii mucaashaq ee dareenku mataaneeyay.
Mar ay qadac soo socdeen, ayaa waxaa geliyay ciidamada ammaanka,  markaasaa ciidan meesha joogay soo dejiyeen dadkii kala saarraa labada Bajaaj si loo baaro, taasna waxaa sababay, waxaa daba-gal lagu hayay kooxo burcad ah marmar dadka dhaca. Mar Allaala markii la yiri "ku laabta Bajaajtiinna" ayuu Cali isha ka fiirsaday Baajaajtii ay Cudbi saarnayd, maadaama uu laab-ka-guux dilay intii uu ta kale saarnaa.

Cali arrinkaa dhowr sababoodba waa u yeelayay, waa mide: in uu aad baahi ugu qabay inuu Taleefankeeda helo Cudbi oo uu la shaaamarreersanahay muuqeeda, waa ta kale e: inuusan hadhow waydiin karin Taleefankeeda qof kale oo waxa uu ka qajilayaa kana xishoonayaa in uu wiilka kaliya ee raggan uu ka dhex yaqaan uu waydiiyo.
Markaasuu kol meel dhexe la marayo oo la mashquulsanyahay isaga oo dheegga ku haya gabadhii Cudbi ahayd oo uumigeedu ku baxayo, niyaddana Iska leh "Allow yaa tan caawa kuu xalaaleeya" Taleefankeedii ka qortay.

Mar Magaalada gudaha loo soo galayna, fataq ayuu Bajaajtii ka yiri. Cali habeenkii ma soo wicin gabadhii. Cudbina waa ay ka xishootay in  wiil ay galabta is barteen garaacdo Taleefankiisa.
Cudbi is la hadal u gooni ah ayaa dilay, Cali na waddadii uu u mari lahaa Cudbi helitaankeeda iyo kasbashadeeda ayuu ku tallamayaa, yaase u sheegaye in ay furanyihiin dhammaan Ganjeellada laga soo galo Qasriga quruxda badan ee jaceylka, kaas oo uu hosmuihiisu ku yaallo qalbiga Cudbi.

Cali waxa uu ku mashquulay, shaqo yar oo iska shaqo maalmeed ah oo uu biyo-cabaalkiisa ka raadsado, maadaama aysan jirin waalidiin si gaar ah u taageera. Cali waxbarashada Jaamacddiisa isaga ayaa iska dhiiba.

Cudbi sida Cali uma mashquulsana oo iyadu wax ka baxsan howsha guriga ma hayso.
Habeen habeennada ka mid ayuu soo wacay, "Ma nabadaa? iyo waa nabad" ayaa la is yiri.
Isbarashoodii dahabiga ahayd ayay meeshii ka sii wateen. Cali waa aftahan aan Ilaahay ku dhibin sida qof wax looga dhaadhiciyo, gabarna warkeed daa.
Si kastaba waxa uu u bandhigay isbuucyo ka dib jacaylkiisa, Cudbina howraarsan ayay tiri iyada oo hoos ka leh, "Allaa afkiisa ka soo yeeriyay".

Cali waxa uu Cudbi ka codsaday in uu la yeesho kulankiisa koowaad. Balse nasiib xumo, maalinkii koowaad waxaa xirnaa waddooyinka, waxaa jiray dibad-baxyo.

Cali iyo Cudbi xiriirkooda jaceyl cirka ayuu isku shareeray, xiisaha iyo kalgacalka ayaa hawada ku dhegay. Sidii Awr geela oo laacaya laan-koraadka sare ee dhirta daaqsinta wanaagsan leh oo kale una hawoonaya kaliya inuu halmar gowska saaro harafka geedkaas, sidaas si la mid ah ayuu Cali u doonayaa in uu caafimaad qab ku helo hilbaha bisil ee hortiisa yaalla. Si ka daran hal u abadkeedii lagu gidlinayo xiisaha ay qabi karto oo kale ayaa qaaday Cudbi.

 Wallow lagu jiro xilli haasaawe, haddana Cudbi waxa ay noqotay dhiirri geliye sare. Waa soo berya niyad sami iyo nayaayir ayay ku abuurtaa, duco iyo dareen jaceyl ayay isugu dartaa, si uu kansho ama fursad ugu helo kala xulshada fursadaha shaqo ee Eebbe ciiddiisa dhigay, hayeeshee dad badani ka indha-saabanyihiin.

Xitaa haddii ay ka xumaato ma dareensiiso, si uusan niyad jab u dareemin.
Cudbi waa wadaniyad. Wadaniyad mise mucaashaqad!!? Haa, labada ba waa tahay.
Canab waxa ay ku hubayaantahay garasho Eebbe yaraantii ku abuuray, waxa ay aamminsantahay oraah cajiib ah. "HAASAAWUHU WAA QAYB KA MID AH DHIIRRIGELINTA" halka  Cali aamminsanyahay isna " HAASAAWUHU WAA IS BARASHOHORDHAC AH".

Cudbi waagii soo iftiima iyo cadceeddii dhacdaba taageero niyadeed ayay la daba joogtaa, mindhaa deeqna waa ugu dartaa.
Cudbi waxa ay Cali u ballan qaadday in ay noloshiisa ka beddeli doonto wax wayn.

Cali waxa uu u arkaa barashada Cudbi nasiib adduunyo. Adduunyadu waa giraan oo waa wareegsanaysaaye, waxa uu sameeyay hal-Abuur ganacsi oo wayn, waxaana is beddelay noloshiisii. Maalin maalmaha ka mid ah, ayuu Cali la yeeshay kulan, si uu ugu soo bandhigo in uu rabo in uu reerkeeda ka doonto, balse maxaa dhacay?
La soco qaybta 3aad, hadduu Alle yiraa.
   Maxaad filanaysaa akhriste?
Fadlan la soco oo #Share gareey adiga oo #Pageka LIKE saaraya ama..

No comments:

Post a Comment

Sababihii igu dhaliyay waxbarashada

Qofkii caqli low malee

 Madasha uma aannan iman Qofkeenna mariilka ihi Markii uu u baahdo dawo Hadduu gacan marane yahay Miciin inuu waayo oo Innana maydkiis sugno...