Rahii ceelka ku dhacay
Beri
baa waxaa la yiri waxaa wada jabhadeyn jiray koox Rah aha ama Rako ah. Maalin
maalmaha ka mid ah ayaa iyaga oo bood-boodaya meel sabo ceel ah waxa ay arkeen
seddex Rah oo kale oo ceel gorof ah ku jira iskuna deyaya in ay bannaankau soo
baxaan si ay naftooda u badbaadiyaan maadaama uu ceelku gorof yahay.
Seddexdoodu
waxa ay isku deyayaan in ay bannaanka yimaadaan, hadba marka ay afka u soo
dhawyihiin ayaan gadaal gadaal ugu noqdaan ceelka. Markaasey waxa ay ku
yiraahdeen suura gal maaha in aaad dibadda timaadaan ee is dhiiba waxba hays
dhibinnina e. Rakihii ama Rahdii labo ka mid ah ayaaa iss dhiibay oo gadaal ugu
laabtay ceelkii gorofka ahaa. Mid ka mid ah ayaa si kastaba aan is dhiibin oo u
dhididay sidii uu ifka ugu soo bixi lahaa, mar ay qorraxdu sii birinbirqeyneyso
ayuu bannaanka yimid waxaasse la yaaabay Rahii kale ee maantoo dhan dul joogay
inta uu rafaadayay.
Laakiin,
markii ay wareysta maageen ayay ogaadeen in Rahu dhega la`yahay oo uusan waxba
maqli Karin, taaasina ay aheyd sababta ka danbeysay in uu bannaanka yimaad,
halka kuwo kale ay ku niyad jabeen hadalkii ahaa “ma soo bixi kareysaaan ee is
dhiiba”.
Sheekadan
waxa aan ka faa`ideynaa in hadallada qaar aysan mudneyn wax la dhegeysto oo ay
jiraan dad ku niyad jebinaya. Lana doonayo in aad sidii wax dhega la` u
aammusto waddada guushana aad sidaa ugu taagnaato.

No comments:
Post a Comment