Saturday, June 22, 2019

Qaybtii 3aad. Sababihii igu dhaliyay wax-barashada.


Qaybtii 3aad. Sababihii igu dhaliyay wax-barashada
Aniga iyo Aarankii(Roobkii)

Awal hore ba wiilku ( waa wiiloo dhan ka inoogu wenaaye) waxa uu ka jabay shanshada, waxaana loo soo qaaday Xamar.
Hooyo se, waxaa lagu daweeyay Isla Camaara oo waa caafimaadday, wiilkiina sidoo kale waana ku soo laabtay Camaara.
isagu ma shaqeyn karayo e waxa uu noo ahaa gar-hayeenka oo taladu isaga ayay ka go'day.

Waxa aan lahayn sida aan qormooyinkii hore ba ku soo sheegay, Dameer,marka isaga ayaa ay noqotay in aan ku shaqeeyo oo aan miyiga qoryo Shidaal ah (qoryaha la shito) uga keeno dhiska guryaha iwm ayaan sidoo kale ku keenaa magaalada, aanse kuugu daree, wiilkan curad ku-xigeenka ah mooyee sow ma jirin mid kale oo aan sheegay isna inuu iga weynyahay ? waa wiilkii  Abaarta ka gabyayee, dabcan waa haa jawaabtu, waxa uu u hayaamay Carriga koonfureed gaar-ahaan Xamar.
Anigu sidii baa aan howsha u wadi jiray oo waa mahad ilaaheey e Ilo kalee dhaqaale ayaa noo dillaacay, anigu waxa aan ka shaqeeyo walaalkay waxa uu iga siin jiray kala bar, sababo badan ba waa ii siin jiray sida aan hadda garaawsaday, waa ta koowaade: in aan is-dabbaro oo aan Kabaha iyo dharkayga ba anigu iibsado, inaan ku shaqeeyo ee aanu dayacmin dameerku waxa ku xiranna waa bir e si aysan u daxaleysan, in laygu barayay waxa la yiraa Saami oo ah wax aan shaqeeyay in aan wax ku yeelan karo oo inta shaqeeyo aan aammino in aan wax soo saari karo iyo tan kale oo ahayd in barka layga qaado dhaqaale reerka kaabi kara uu noqdo.
Waa hubaal in aanan itaal(awood) badan lahayn oo dhibaatooyin ayaan kala kulmi jiray.Waxaase maskaxdayda ku daabacneyd maahmaahdii ahayd" xoog haddaad weysay xeel miyaad weysay" waan xeeladaysan jiray illeen waxa la saarayo Gaari-dameerka(Garneetada) waa wax culuse.

Waxa ay isu jiraan masaafo ahaan 16 km, magaalada iyo meesha ugu yaraan aan ka soo rari karo, Dameerna waa taqaan socodkiisa.
Badana marka aan waddada dheer ku socdo ee aan carraabayo (galab soconayo) is-lama sheekaysto oo magaaladii iyo wixii aan ku soo arkay ayaa ka guuxaya maskaxdeyda, wallow aan yeeshay Taleefan gaar-ahaan nooca wax laga dhegeysto, waxa aan ku shuban jiray gabayo,heeso (haddaan ku shubtana ma badneyn) iwm.
Laakiin gabayadaa maxay ka warramayaan ma taqaan ? Waa gabayo badankooda gabayo Colaad huriyayaala oo labo qabiil isugu gooddinayaan marka laga reebo kuwo yar oo nabadeyn ah, iyo gabayadii hore.
Marka aan galo Duurka/jiqda(meeshii aan ka jari lahaa Shidaasha) ama aan diyaar ku noqdo meeshii Dhis haddaan qaadi lahaa uu yaal, ayaan seexdaa, ogow laakiin maalin dhaaf ayaan u aadaa magaalada.

Badanaa waxa aan fikir iyo madeex(is-la-hadal) badanahay marka aan u socdo magaalada, mar waxa aan is weydiiyaa: Tolow ma gabyi kartaa ? Mayee horta maxaad sameysaa ? Weydiimo(su'aalo) kun iyo hee-hee ah ayaa maankayga ku soo dhaca war-celinse(jawaabo) uma wada helo.
Ugu danbeyn ayaa waxaa igu soo dhacay Aabahay heerka uu gaaray iyo waayihii dhexe ee uu macallinka ahaa dadka abaalka uga haya ee yiraa marka aan la sheekeysto "macallinkeenni horaa dhalay waa ina hebel" ayaa ii sawiranta.
Xagga farta Soomaaliga waan ku roonaa oo waa dhexe ee aan dugsi QUR'AAN dhiganayay isna (waa aabahay e)miqaayad shidi jiray ayuu na baray aniga iyo labada wiil ee kalee iga waaweyn qiyaastiina ku beegan 2005
.
marka xaal halkaa joogo ayaan go'aan ku gaaray in aan wax-barto laakiin beeni wa xaaraame isma lahayn aad toos wax u baratid sababtuna waxay ahayd in la ii oggolaanayo ama aan iska bixi karo ayaanan rajayneyn, balse waxa aan u imid Maamulaha Dugsiga Hoose dhexe & sare ee Camaara (maxamed maxamuud Jaamac ILKACASE) waxa aan u bandhigay fikirkaygii, wuxuuse ahaa nin i garanaya wuxuu igu yiri"si nidaami ah u dhigo galabkii yunifoomkan(uniform) bisha hore lagugu xujeyn mayo" .
il baa ii bikaacday laakiin tolow walaalkay mayga yeeli doonaa ? Ma ogi.
Ku darsee bishii waxa la bixiyaa $2 (laba doollar) oo waxa taabba geliya mu'asasada Iftin(Kuwii aasaasay eebbe ha ka ajar siiyee).
Walaalkay waa iga yeelay maadaama aan u sheegay in aan isaga yunifoom(dharka iskuulka) aanan ka rabin oo walaashey oo Xamar joogta ka dalbaday, sidaana waxa iigu billowday wax-barashadii oo aan dar-dar la galay kuna xirtay yunifoomkii dugsi hoose.
Muddo kadib anigoo shanaad ah ayaan Xamar u soo wareegay.
Lasoco aybta Afraad ee Xamar iyo Gabyaa nimadii aan isku arkay .
Maxaad ku talineysaa adigu ii reeb ra'yi gaaga.mahadsanid.

No comments:

Post a Comment

Sababihii igu dhaliyay waxbarashada

Qofkii caqli low malee

 Madasha uma aannan iman Qofkeenna mariilka ihi Markii uu u baahdo dawo Hadduu gacan marane yahay Miciin inuu waayo oo Innana maydkiis sugno...