Sunday, July 18, 2021

suugaanta iyo dhiirri gelinta maxaa ka dhexeeya?

 

Dhiirri-gelintu waa wax wayn oo muhiim ah. Erayga macaankiisa iyo dhadhankiisa aan meel dhaw kaa tuso. Waxaa jira labo qaybood oo dadku u kala bixi karaan, kuwaas oo kala ah; dhabcaal doqon ah iyo dhiirrane dareen fiican. Dhiirranaanshuhu waa dareenka qofka ku qasba in uu ka gubto falalka xun ee fadhiidnimada ah, falalka xun xun ee wax qabsi la`aanta ah, falalka xun xun ee dhiig yaraanta ah.

Dhiirri-gelintu waa qofkii oo lagu shubayo tamartii uu ku shaqayn lahaa, waa waano iyo wax sheeg, waa canaan iyo caraadin, marna waa caay iyo caga juglayn.

Soomaalida waxaa caado u ahaa oo ay isku dhiirri gelin jireen suugaanta, oo xilliyada dagaalka waxaa ciidammada lagu kicin jiray dhiiggooda. Iyada oo geel laga dhacay beesha oo aan dhowr beri loo dhaqaaqin iyo abwaan isla taaga gabay ku qasba intii gaashaan-qaad ah in ay hubkooda boobaan balse innagu maanta qarnigaas ma joogno.

Waxa aan joognaa qarni casri ah oo jahligii laga baxay, waxa aan joognaa qarni qalinka foodddiisa la isku gumaysto haddii horay waran iyo qoray caaraddiis la isku gumaysan jiray.

Sidaas aawadeed waxaa nalaga doonayaa in aan jiifka ka kacno haddii aan Soomaali nahay, sababtoo ah waxa aan u dig iyo dam leennahay in adduunka sii hayaamaya aan daraf ka raacno oo aanan ka harin.

Mar arrimaha guud laga soo tago, shaqsi walbaa waxaa doonayaa in uu guulaysto oo uu nolosha ta uguu sarraysa ku noolaado, sidaan ognahay na guushu afka wax laga sheegto waa ka wayntahay.

 

Aan isla aragno dhowr tuc oo soo socda sida ay guusha u qeexayaan. Aanse ka hor dhaco e, gabaygu waxa uu leeyahay “waddada guushu waa mid sii tuban oo aaan dheeldheel lagu gaarayn, waa toobiye ama waddo ay ku jaranyihiin filgimmo, waafeerro, qori-jab is dul yaal iyo qoryo aan wax dhaafi karaya la helayn, oo haddana waddada caynkaas ah ay dhex taaganyihiin Mas candhuuftiisa sunta ah kugu soo gantaalaya, Libaax aadan caga kaga fakan karayn iyo Haramcad aan cago iyo orod meel loo tegayn iyo sidoo kale geedo cagaag iyo xanan ah oo lugaha kaa cunaya oo aan sahal looga bixi karin iyo dhibaato adduun oo dhan haddana kaaga darane dariiqa sidaas ah waa sii tubanyahay oo weli waa sii muuqdaa, waxaana dhaafa kaliya qof is dhaarsaday oo ballan adag naftiisa la galay. Gabaygii tubta guusha waa kan.

 

1.      Dad bay guushu qosol iyo la tahay, turufa beenaade

2.      Tartiib iyo fudayd igu wallaan cidu u taabayne

3.      Tubta loo maraayana haddaan yara tilmaameeyo

4.      Toobiye turaanturo[1] ah oo dhagaxna taakeysay

5.      Filgin[2] taagan waafeer[3] tigtigan[4], qori-jab[5] taallaysan[6]

6.      Maska tufaya Aar taangiyo, haramcad soo taagan

7.      Tafta marada Kaxar[7] taabta iyo, tacaddi joogtooba

8.      Iyo xanan[8] tagoogaha cunoo, tiliq[9] yiraa dhiiggu

9.      Oon lagu tegayn dhowr sanoo, weeye sii tubane[10]

10.  Tartiib kii ku gaar oranayoow, waa lgaa tegaye.


                                                   sharraxa

[1]:  turaanturro= kuf-kufid

 

[1] : filgin= qoray jabkiis meel ka soo taagan

[1] : waafeer= waxa la midyahay Filgin

[1] : tigtigan= dhowr meelood ka soo taagan

[1] : qori-jab= meel ay yaalliin qoryo iyo xaabo oo aan la mari karin

[1] : taallaysan= is dul saaran

[1] : Kaxar= geed miro yaryar oo qodxo leh dhala oo darfaha marada ku dhega

[1] : xanan= geedo yaryar oo qodxo leh magac la isku yiraa

[1] : tiliq=si tartiib tartiib ah dhiig u daadasho

[1] : Tuban= sii muuqa ama sii yaal

 



[1]:  turaanturro= kuf-kufid

 

[2] : filgin= qoray jabkiis meel ka soo taagan

[3] : waafeer= waxa la midyahay Filgin

[4] : tigtigan= dhowr meelood ka soo taagan

[5] : qori-jab= meel ay yaalliin qoryo iyo xaabo oo aan la mari karin

[6] : taallaysan= is dul saaran

[7] : Kaxar= geed miro yaryar oo qodxo leh dhala oo darfaha marada ku dhega

[8] : xanan= geedo yaryar oo qodxo leh magac la isku yiraa

[9] : tiliq=si tartiib tartiib ah dhiig u daadasho

[10] : Tuban= sii muuqa ama sii yaal

No comments:

Post a Comment

Sababihii igu dhaliyay waxbarashada

Qofkii caqli low malee

 Madasha uma aannan iman Qofkeenna mariilka ihi Markii uu u baahdo dawo Hadduu gacan marane yahay Miciin inuu waayo oo Innana maydkiis sugno...