v Nafyahay
daa damaca waalan
v Ka
daa derbiyada abraarka
v Ka
daa dirqigiyo hujuumka
v Dhirtaad
dardaraysoo laylka
v Dad
baa harsan laaye kaadso
v Ubaxa
aad doorinayso
v Il
baa daydayan lahayde
v Inaad
duugtaa ma fiicna
v Dibnaha
eebbuhu ku siiyay
v Dabkaad
ku afuufto joooji
v Nafyahay
xishood daranidaada
v Damdamtiyo
qababacdaada
v Digdigtiyo
hamamagtaada
v Dawaafkiyo
dalaftankaaga
v Dariiqaan
aad ku joogto
v Wuxuu
kugu gaynayaa dal
v Degmuu
kaa ridahayaa xun
v Cagtuu
kuu saarayaa dab
v Dubkaaga
ku cayshi doona
v Intaanay
ku daynin ruuxdu
v Ka
daahiro ceebahaaga
v Wuxuu
kuu diiday eebbe
v In
aad doontaa sax maaha
v Nafyahay
daa waxa la dayryay
v Wanaaggiyo
doon samaanta
v Xaraantiyo
diid xumaanta
v Ibliiska
ku duufsanaaya
v Ibliiska
ku doorinaaya
v Misana
ku danbaajinaaya
v Ilaah
kii diiday weeye
v Dafiray
qowlkiisa weeye
v Dadkana
ballan qaaday weeye
v Inuu
dalaq naar ku siiyo
v Faxshiga
aad daawanayso
v Ishaadu
ku doogsanayso
v Dunuub
wada miiran weeye
v Deegaan
ah ciriiri weeye
v Dab
iyo holaciisa weeye
v Dareen
ah khiyaali weeye
v Wallow uu yiri dadkeennu
v Qofkii
dhimbila cantoobsha
v Illeen
daay lama yiraahdo
v Haddana
waa iga dardaaran
v Dabuubtiyo
maansadaydu
v Digniin
iyo wayga waano
v Nafyahay
aan garan danteeda
v Haddaad
dhega kuu daloola
v Oo
aad leedahay wax duuba
v Sideey
diinteennu sheegtay
v Jannadu
waa meel diyaarsan
v Qofkuu
eebuhu la doono
v Ma
waayo wuxuu daneeyo
v Sidii
dunidaanna maaha
v Dood
iyo ma leh qaylo taagan
v Dil
iyo ma leh waa la toogtay
v Dafaa
iyo tuug ma joogo
v Dulmiyo
eex lagama sheegin.
AAbwaan Calinuur Shiine
No comments:
Post a Comment