Madasha uma aannan iman
Qofkeenna mariilka ihi
Markii uu u baahdo dawo
Hadduu gacan marane yahay
Miciin inuu waayo oo
Innana maydkiis sugnoo
Hadhow innagoo melyana
Qabuuraha murugo iyo
Maalayacni lala kor tago
Waxaan madashaan u nimid
Inay midig toosto
Bidixda ka maarantee
Laantay midi goyn la'dahay
Labaduysla maroojiyaan
Sidaasna ku meel maraan
Madashan uma aannan iman
Qofkeennii maal adduun
Ileehey uu milkiyay
Walaalka u baahan midig
Inuu iska maahiyoo
Boobeelkiisana densado
Waxaan madashaan u nimid
Haddii masaal looga dhigay
Inuu yahay maan rageed
Sidii mudacyada afkood
Inay maantaba kulmaan
Mataanana ay noqdaan
Waxaan madashaan u nimid
Qofkeenna muraadka lihi
Haddii uu moos u jabo
Inuu heli karo miciin
Haddii ay curato Mayl
Haaneed iyo waa miskeed
Haddaan xagta ruux ka maro
Middeeda kalaan qof jirin
Gaawuhu ma milaalmayee
Caanaha laga maali karo
Qofkii caqli low malee