Halkaan uma joogto hooyo, aabbe na warkiis daa. Isaga oo wiil yar ah balse qaan-gaar dhaafay ayuu deegaankiisii uga soo hijrooday sidii uu aqoon u kororsan lahaa. Waxa ay xilliyo iska daba dhow magaalada wayn soo wada galeen dhallinyaro ay qaar isku heer ahaayeen xagga wax barashada iyo da'da ba.
Waxa uu ku degay xaafad walaal ama qaraabo, si uu u helo saldhig uu ka duulo xilliyada uu qaadayo weerarka ka dhanka ah Jahliga oo fara ba'an ku haya dadkiisa, magaalada quruxdeeda aad ayuu ula yaabay waxaase ka sii darnaa markuu arkay gabdhaha magaalada xiiso iyo xamaasad gooniya ayaana qaadda markaasuu is xusuustaa oo naftiisa ku canaanta "Horta ma hablaad u timid iyo haasaawe mise wax barasho?
Waxaa uu noqday arday dedaalay oo kaalin muhiima kaga aaday naftiisa xagga waxbarashada balse waxa uu ku waayay dhaldhalaalkii waayihiisii carruurnimada iyo dhaqaalihii uu ku qabay ag joogga hooyadiis, oo waxaa laga dheehanayaa is beddel jireed.
Mar walba dhaldhalaalka magaalada waa uu la tacajabaa balse waa iska celceliyaa. Waxaa jira qaar fara badan oo saaxiibadiis ah oo inta waxbarashadii ku wareeray Dukaamo kaga shaqeeya lacag aan meel u kabin.
Howlihiisu waxa ay isugu urursanyihii waxbarasho kaliya marka laga reebo shaaha meelo laga raadsado.
Isagoo sidaas ah ayuu hebel oo isaga magaalada la soo galay kana saaqiday oo ku kibray barwaaqadii labada waalid la ag fadhiyeen dabeedna meelaha shaqo yar ka deydeyay wixii ka helay ku canbacambaystay guur Allow ku magan ah ayuu waxa uu ku darsaday inuu ku jeesto saaxiibkiis oo uu ku caayo waxbarashada.
Waxa uu ku doodayaa inuu guushii helay. Waa sax waa uu helay balse waxa uusan ogayn in siyaabaha guulaha loo gaaro ay kala duwanyihiin.
Nasiib xumo, waxa uu u maleeyaa in ta uu gaaray kaliya dadka dhami guul u wada yaqaaniin. Waxa uu illaaway in qof walba uu hadaf leeyahay taasna aqoon darrada ayaa ku sababtay.
Waxaa jira asxaab badan oo Howlo kala gooni ah haysta magaaladana shaqo u soo galay kuna guulaystay noloshooda balse wuxuu dheeryahay maan yari oo wuxuu ku leeyahay "Iskaabulaa tahay" adna haddii aadan qalbi adag lahayn oo aadan xusuusan waxa gadaal kaa riixaya waxa aad dhahaysaa " Wallaahi waa runtiis" markaasaad ka haraysaa.
Ardayayey ogaada in aad waxbarasho u nooshihiin marka koowaad, marka labaad xaqiijiya ahdaaftiinna.
W.Q: Calinuur Shiine.
ku soo dhawoow Walaal Blogspot-kayga. click sii "HOME-ta" hoose Igala soco facebook-kayga "Calinuur Shiine So".
Saturday, June 20, 2020
Subscribe to:
Posts (Atom)
Sababihii igu dhaliyay waxbarashada
Qofkii caqli low malee
Madasha uma aannan iman Qofkeenna mariilka ihi Markii uu u baahdo dawo Hadduu gacan marane yahay Miciin inuu waayo oo Innana maydkiis sugno...
-
Afartii sano ee ugu danbeysay waxaa si' is daba joog ah u soo m uuqanayay dhallinyaro qorayay Buugaag isla markaana ka mid noqonayay q...
-
Quraanjadu waa noole yar oo cajiiba ah. Waxa ay leedahay lix lugood oo seddex ba dhinac tahay, labo caawiyeyaal oo ku yaal qadaadka danbe...
-
Qaybtii 1-aad. # ANIGA_iyo_GEERIDII_Aabbahay Calinuur Axmed Yuusuf Xilligu waa habeen, waa bil Soon-qaad waaga noo be...