Thursday, September 26, 2019

Qaybtii 2aad ee Sheekadii #DUMAR IYO DADNIMO

 #Calinuur_Shiinr_Page

 Sidaas iyadoo leh ayay ilbiriqsiyo ka dib ku war heshay isagoo barbarka ka fadhiya.
 Cali dabaal waa yaqaan oo waa isku kalsoonyahay, laakiin yaa Cudbi u sheegaya.waxa ay hoos iska leedahay "Alla waxa yaroo la yaabka leh amay baddu cuntaa"?
Cali kobtii isaga oo aan dhib ka marin ayuu soo qabtay, Cudbina awal ayay la ashqaraarsanayd wanaagsanaantiisa ee xirfaddan ay ku aragtay ayaa dareen ku sii abuurtay. Cudbi waxa ay iska dhaadhicisay in wiilkan ay iyadu leedahay.

Waxaa Cudbi uga sii darraa, markii uu wiil ku hafanayay biyaha uu ka soo badbaadiyay, dhowr dhacdo oo iyada cashar ugu filnaa isna u ahayd dhoolla-tus uusan sameyntiisa u qasdin, aayaha danbase anfaci doonta ayaa si is-daba joog ah u dhacay.

Waxaa la gaaray ammin danbe, bixitaan ayaa la isu diyaariyay, badda iyo howlaheediina waa laga soo dhammaaday. Cali wiilashii iyo gabdhihii kale ayuu soo raacay, maadaama dadku badnaayeen, labo Bajaaj ayaa la soo kala raacay, nasiib xumo se waxa ay ahayd markii ay labo Bajaaj kala raaceen labadii mucaashaq ee dareenku mataaneeyay.
Mar ay qadac soo socdeen, ayaa waxaa geliyay ciidamada ammaanka,  markaasaa ciidan meesha joogay soo dejiyeen dadkii kala saarraa labada Bajaaj si loo baaro, taasna waxaa sababay, waxaa daba-gal lagu hayay kooxo burcad ah marmar dadka dhaca. Mar Allaala markii la yiri "ku laabta Bajaajtiinna" ayuu Cali isha ka fiirsaday Baajaajtii ay Cudbi saarnayd, maadaama uu laab-ka-guux dilay intii uu ta kale saarnaa.

Cali arrinkaa dhowr sababoodba waa u yeelayay, waa mide: in uu aad baahi ugu qabay inuu Taleefankeeda helo Cudbi oo uu la shaaamarreersanahay muuqeeda, waa ta kale e: inuusan hadhow waydiin karin Taleefankeeda qof kale oo waxa uu ka qajilayaa kana xishoonayaa in uu wiilka kaliya ee raggan uu ka dhex yaqaan uu waydiiyo.
Markaasuu kol meel dhexe la marayo oo la mashquulsanyahay isaga oo dheegga ku haya gabadhii Cudbi ahayd oo uumigeedu ku baxayo, niyaddana Iska leh "Allow yaa tan caawa kuu xalaaleeya" Taleefankeedii ka qortay.

Mar Magaalada gudaha loo soo galayna, fataq ayuu Bajaajtii ka yiri. Cali habeenkii ma soo wicin gabadhii. Cudbina waa ay ka xishootay in  wiil ay galabta is barteen garaacdo Taleefankiisa.
Cudbi is la hadal u gooni ah ayaa dilay, Cali na waddadii uu u mari lahaa Cudbi helitaankeeda iyo kasbashadeeda ayuu ku tallamayaa, yaase u sheegaye in ay furanyihiin dhammaan Ganjeellada laga soo galo Qasriga quruxda badan ee jaceylka, kaas oo uu hosmuihiisu ku yaallo qalbiga Cudbi.

Cali waxa uu ku mashquulay, shaqo yar oo iska shaqo maalmeed ah oo uu biyo-cabaalkiisa ka raadsado, maadaama aysan jirin waalidiin si gaar ah u taageera. Cali waxbarashada Jaamacddiisa isaga ayaa iska dhiiba.

Cudbi sida Cali uma mashquulsana oo iyadu wax ka baxsan howsha guriga ma hayso.
Habeen habeennada ka mid ayuu soo wacay, "Ma nabadaa? iyo waa nabad" ayaa la is yiri.
Isbarashoodii dahabiga ahayd ayay meeshii ka sii wateen. Cali waa aftahan aan Ilaahay ku dhibin sida qof wax looga dhaadhiciyo, gabarna warkeed daa.
Si kastaba waxa uu u bandhigay isbuucyo ka dib jacaylkiisa, Cudbina howraarsan ayay tiri iyada oo hoos ka leh, "Allaa afkiisa ka soo yeeriyay".

Cali waxa uu Cudbi ka codsaday in uu la yeesho kulankiisa koowaad. Balse nasiib xumo, maalinkii koowaad waxaa xirnaa waddooyinka, waxaa jiray dibad-baxyo.

Cali iyo Cudbi xiriirkooda jaceyl cirka ayuu isku shareeray, xiisaha iyo kalgacalka ayaa hawada ku dhegay. Sidii Awr geela oo laacaya laan-koraadka sare ee dhirta daaqsinta wanaagsan leh oo kale una hawoonaya kaliya inuu halmar gowska saaro harafka geedkaas, sidaas si la mid ah ayuu Cali u doonayaa in uu caafimaad qab ku helo hilbaha bisil ee hortiisa yaalla. Si ka daran hal u abadkeedii lagu gidlinayo xiisaha ay qabi karto oo kale ayaa qaaday Cudbi.

 Wallow lagu jiro xilli haasaawe, haddana Cudbi waxa ay noqotay dhiirri geliye sare. Waa soo berya niyad sami iyo nayaayir ayay ku abuurtaa, duco iyo dareen jaceyl ayay isugu dartaa, si uu kansho ama fursad ugu helo kala xulshada fursadaha shaqo ee Eebbe ciiddiisa dhigay, hayeeshee dad badani ka indha-saabanyihiin.

Xitaa haddii ay ka xumaato ma dareensiiso, si uusan niyad jab u dareemin.
Cudbi waa wadaniyad. Wadaniyad mise mucaashaqad!!? Haa, labada ba waa tahay.
Canab waxa ay ku hubayaantahay garasho Eebbe yaraantii ku abuuray, waxa ay aamminsantahay oraah cajiib ah. "HAASAAWUHU WAA QAYB KA MID AH DHIIRRIGELINTA" halka  Cali aamminsanyahay isna " HAASAAWUHU WAA IS BARASHOHORDHAC AH".

Cudbi waagii soo iftiima iyo cadceeddii dhacdaba taageero niyadeed ayay la daba joogtaa, mindhaa deeqna waa ugu dartaa.
Cudbi waxa ay Cali u ballan qaadday in ay noloshiisa ka beddeli doonto wax wayn.

Cali waxa uu u arkaa barashada Cudbi nasiib adduunyo. Adduunyadu waa giraan oo waa wareegsanaysaaye, waxa uu sameeyay hal-Abuur ganacsi oo wayn, waxaana is beddelay noloshiisii. Maalin maalmaha ka mid ah, ayuu Cali la yeeshay kulan, si uu ugu soo bandhigo in uu rabo in uu reerkeeda ka doonto, balse maxaa dhacay?
La soco qaybta 3aad, hadduu Alle yiraa.
   Maxaad filanaysaa akhriste?
Fadlan la soco oo #Share gareey adiga oo #Pageka LIKE saaraya ama..

gabaygii AFkala qaad by Abwaan Calinuur Shiine


1..Adduunyada ilaahey waaxaan, aragnay waa yaabe

2.      Ashqaraaray oo maagay oo, deedna amakaagay
3.      Iimo dhowra qoon wada leh oo, noqonnay eel reeba
4.      Hayeeshee tix alifiyo anoon, arar ku dheeraanaanin
5.       Isla-weynidiyo aabigiyo, aniga baa saan ah
6.      Aadanaha kii lagu arkee, anafka sii taaga
7.      Aakhiro cadaabbuu galaa, ololki naareede
8.      Adduunkana dadkiyo ehelladii, ma ixtiraamaane
9.      Is ogaada aayaduhu waa, eray tusaalaahe

1.  Intuu ood ka booduu nin yari, talo ifduufaaye
1.  Xaajadii adkaataba haddaan, odayo loo geynin
1 .  Ee ruux waliba say ula egtahay, uu isagu yeelo
1 .  Ahaan meyno saan eegga nahay, ee ha la ogaado

 .  Malabkay shinnidu ururisee, uunku garanaayo
 .  Intifaac waxay leedahaa loo ogsoonyahaye
 .  Udug iyo macaan weeye iyo, daawo aamminehe
1 .  Aqash iyo uf kii oranayaan, loo itaal heline
1 .  Axmaq weeye laakiin mid baan, kuu ag dhigayaaye
1 .  Arrin xumo abaar iyo ka daran, omoso jiilaale
2 .  Dad dhan oo abwaaniin leh iyo, odaya maahmaaha
2 .  Oon eray ka dheegani aqliga, waa ka eberkoode

2 .  Afrikiyo adduunyada markaad, saa u wada eegto
2 .  Aayahooda way garanayaan, idil ahaantoode
2 .  Itaal kaan la heyn taakulaa, lala agjoogaaye
2 .  Eray kii yiraahdey dhiggeen, u alalaasaane
2 .  Innaguna qof shay soo unkaan, ku orrineynaaye
2 .   Anaaniyo dil iyo boobna waa, ku istiraaxnaaye
 .  Bal inuu ajiibaa dhacdee, aan allaha tuugno
2 .   Astaqfaarta ruuxii badshaan, dhib u imaaneyne
 .  Albaabada san buu eebbehey, kuu aftaxayaaye
3 .  Irid aadan filaneyn na wuu, kaa arsaqayaaye
3 .  Xaaraanse ruux alamsadaa aaya, beel noqoye
3 .  Eelkaba wax dhigay baa jiroo, waa aqoon xumiye
3 .  Maahmaah awaa`ili horaa, say na oranaysay
3 .  Awrka danbe ka hore saanta, waa uga ekaadaaye
3 .  Waalidkana wixii lagu arkay, ubadku suubshaane
3 .  Anshax lagu barbaariyay na waa, ku aqliyeystaane
3 .  Haddaan la edbin eber weeye oo, adhi ma dhaamaane
3 .  U iftiinsha shay waa danbay, na anfacaayaane

4 .  Tuqsiigaa halkii iin leh iyo, eegta meel darane
4 .  Wax ilaaheey maanacay qofkii, ka astaxyoon waaya
4 .  Abaalkiisu waa naar jannana, is arki maayaane
4 .  Cilmulqaybka eebbaa ogoo, taa awood u lehe
4 .  Aakhiro wax yaallana ma jiro, ruux oddorosaaye
4 .  Faal ibliis nin dhigay oo  dhulkaa, fara la aad-aaday
4 .  Shay uu ogaan karahayaan, cidu aqooneyne
4 .  Wuxuu ka astafiidaana waa, alanqa naareede

4 .  Agab maaha diintuna qof iyo, ururro leeyiine
4 .  Mana aha awaal mala ah iyo, hebel oraahdiise
5 .  Waa aayado tusaalooyiniyo, qowlki Eebaha e

5 .  Ruux oomman ee ilo biyo leh, aagga laga geeyay
5 .  Addimadana qaba ama fiyow, cudur na aafeynin
5 .  Oo aan asqada reebinoo, aan afkaba saarin
5 .  Wuxuu ugaga jeediyo dantaan, cidi aqooneyne
5 .  Axmaq weeye laakiin mid baan, kuu ag dhigayaaye
5 .  Dad dhan oo ilaahey jirshoo, uu arlada keenay
5 .  Ummad diin islaam haysatana, laga aheysiiyay
5 .  Ee loo arsalay nebi alloo, shay iftiiminaya
5 .  Ee faralka oogoo la yiri, tiisa u ekeeya
6 .  Adduunkana la yiri waa beryee, gaabsha orodkiinna
6 .  Misna aan intaas qaadanoo, or iyo been moodda
6 .  Oo dhiig islaam daadisee, alabbastee roorta
6 .  Anbad weeye oo meel xun bay, ku ajarmaayaane
6 .  Bal u fiirso saan eegga nahay, waa ayaan xumo e

6 .  Allahayow dadkaygii is nace, waadna aragtaayee
6 .  Ilaa iyo markaan imid ifkiyo, eegga iyo maanta
6 .  Is-dil iyo anaaniyo dhacbaa, loo ordahayaaye
6 .  Ehelnimadii waa laga tegayo, ina adeeroowe
6 .  Aw lama xurmeeyiyo wadaad, diin islaam wada e
7 .   Amiir lama qadariyiyo dadkay, shacabku eegtaane
7 .  Askar  lama sharfiyo ciidan iyo, niman ilaalaahe
7  .  Oday lama salaamiyo nabadda kaa, soo abuubula
7 .  Abwaan lama dhegaystiyo af-maal, erayo waawayne
7 .  Arxan li`ida I muuqataa, waa af kala qaade
7 .  Hadba waxaan la ooyaa dhib iyo, arami joogtaaye
7 .  Ammaan iyo arlaan doonayaa, nabada Eeboowe
7 .  Allahayow ahow waad kartaa, ama awoodaaye
7 .  Adigaa ajiiboon ducada, ahay adoonkaaye
7 .  Isu soo dun maankeenna oo, ururi taagteenna.

 curiye: abwaan Calinuur Shiine

Tuesday, September 24, 2019

Sheekadii Dumar iyo dadnimo_qaybtii 1aad


Halkani waa magaalo, waa caasimaddii dalka. Laamiyada dawaaliga ah ee aan lahayn jajabka ay gaadiidku ku dhibtoodaan ayaa hadba ay dhan u goynayaan gawaarida isaga kala goosha afarta bir-jaho ee beledka.
 Waxaa waddooyinka ku teedsan xarumo ganacsi oo ilwaad samidooda adiga oo qof wayn ah waqti kaaga lumayo inta ay qurux ka qabaan.

Marka aad is waydiiso, yaa Magaalada sidaan u qurxiyay? Waxaa hortaada ku soo qormaysa, DHALLINYARO!!! Markaasaad haddana is waydiinaysaa, maxaa dhallinyaro ah? Saa haddana ay kuu soo baxaysaa far waawayn oo oranaysa "WAXAA U KACAY BELEDKAAN DHALLINYARO". Adna waad u qiraysaa.

Magaalada quruxdeeda waxaa bilaya Tukaakammada, Bakhaarrada, sanadaqaha laga helo adeegyada dhallinyarada, suuqyada caalamiga ah sida kuwa dharka, kuwa khudaarta, kuwa agabka cuntada iyo wixii la halmaala. Sidoo kale waxa qurxinaya, Tima jarayaasha, carwooyinka, miqaayadaha cuntada xarumaha waxbarashada oo qayb wayn ka qaatay quruxda maagaalada iyo kuwa kale oo fara badan.

Waxay leedahay xeeb, waxay lahayd goobo dalxiis, waxay leedahay goobo madadaalo, waxay leedahay xarumo waxbarasho. Waa magaalo cajiib ah. Oo haddey cajiib tahayna? Waa caadi maxaa wacay, dadkeeda ayaa fahmay ujeedka nolosha, dhallinyarada ayaa garatay waxa u dan ah.

 Cudbi iyo Cali, waa labo dhallinyaro balse horay isuma garanayn.
Cali waa arday Jaamacadeed, Cudbina waa ardayad heer dugsi sare ah ku jirta. Cali waa wiil qurxuun, dabeecad iyo dad la socod leh, waa wiil leh, hibo uu ra'ligiisa bulshada wax uga dhaadhicin karo, saaxiibbo farabadan oo ka haybaysta ayuu leeyahay.
Haddii aad la sheekaysato waxa uu ku siinaya talo, waxa uu kugu abuurayaa rajo, waxa aanad aamminaysaa waxyaabo farabadan oo dadku aysan aamminsanayn. Cali kuma lebbisto dadkan caadiga ah waxa ay ku lebbistaan ama saaxiibadiis u arkaan quruxda iyo in gabdhaha lagu soo jiidan karo, ee waxa uu ku lebbistaa dabeecad!!. Dabeecad aa? Haa dabeecad.

Adiga oo murugaysan haddii aad u timaad waxa aad ka laabanaysaa adiga oo faraxsan, kaalay sheeg waxa uu kugu akhriyay! Moogi. Mindhaa sixirkuu yaqaan, mayee waaba yaqaan, maxaa yeelay waa wiil Akhris badan, waxa uu aamminsanyahay in AKHRISKU aad muhiim u yahay, waana sababta uu u yahay takhtarka welwelka, waxa uu kaaga sheekeynayaa sheekooyin waawayn oo xitaa aadan weligaa maqal. Haddii aad murugaysantahay, dhiig buu kaa qaadayaa? Yaa! Dhiig aa? Mayee waa uu ku dabeecad fahmayaa ayaan ka wadaa, markaasuu waxa uu kuu baarayaa dawadaadi isaga oo soo rogaya baalasha farxadda. Haddii ay talo kaa cakirantahay waxa uu ku siinayaa fure, haddii uu derbi ku soo celiyo waxa uu kuu tilmaamayaa meel uu Burris yaal si aad ugu jebiso derbigaas. War yaanan kugu daaline waa wiil wax garad ah, waana nooca ay gabdhuhu ugu jecelyihiin.

Cudbi kama liidato haddii aysan ka horreyn ba. Waa gabar, hadde si kale uma taqaannide ay dhaleen Boqor iyo Boqorad. Waa dhal boqortooyo, ma ahee waa ay ku fiicnaan lahayd in ay noqoto dhal boqortooyo.
Cudbi waa gabar aan sidaa u da'waynayn, waxa ay jirtaa Siddeed iyo toban gu'. Waa gabar cad oo xoogaa dheer, waa caato laakiin ma aha caato soogsoog ah. Waa gabar firfircoon, malaha waaba la dhalatay xeeladda iyo fahanka nolosha.

Cudbi iyada oo maalin jimca ah, iyada iyo gabdho kale oo ay wehliyaan wiilal qaraabo ay isla yihiin ayaa ay xeebta magaalada u damaashaad tageen. Cali oo biyaha badda inta mar galay ka soo baxay oo afka hore fadhiya ayaa mar qura isha qac!! Ku siiyay Cudbi oo u danbaysa gabdho iyo wiilal cagaha la sii gelaya biyaha. Cali aad ayuu uga helaa gabdhaha iyo in uu la sheekeysto. Hantataf ayuu inta horay u yiri buu isku deyay in uusan gabadhaas ka harin meeshii ay rabto ha la gashee. Haddiiba uu u dhawaaday gabadhii oo biyaha lagu barbaryayo ayaa waxaa garabka ka  taabtay wiil meesha Cali ka aqooday. "War bal ii warran iyo waa nabad ayaa la isku yiri"  ka dibna wiilka Cali aqooday ayaaba gabadha wax ka waday. Niyadda ayuu iska yiri "Allow waa mahaddaa". Wiilashii iyo gabdhihii kale ayaa Cali la baray, markaasay dhaheen Wiilashii biyaha ayaan geli lahayn ee gabadhaan ayaan nuuxin la'nahay. Markaasuu yiri Cali "Cudbi maa wax ka gashid biyaha? Ma saas baad u Wadne wayntahay? Inta qososhay bay tiri "weligayba cagahayga ma gelin Bad, waxa aan ka soo doonay baan la yaabanahay. Cali ayaa hoos ka yiri markaas "waa la yaqaan waxa kuu soo dhigaye". Intii ay warkaas is lahaayeen ayay wiilashii iyo gabdhihii kale baddii horay u galeen. Markaasuu waa siduu rabaye yiri "na keen waayahaye halkaa  biyaha afkoodaa fariisannee.

Gabadhii iyo  wiilkii inta wadday ayay soo qaadatay Dacaskeedii ay badda ku soo aadday. Haddana waa ay isi soo raaceen markaasay fariisteen biyaha afkooda. Cali waxa uu la yaabbanyahay dabeecad furfurnaanteeda iyo quruxdeeda. Iyana kama liidatee, markuu meel kale dayaba isha ayay ku xaddaa, waxa ay la ashqaraarsantahay wiilkan meesha uu ka yimid iyo sida ay u baratay wanaagsanaanteeda. Sheekooyin u badan sheeko dhallinyaro oo uu ku haasaawinayo ayuu u qabtay mar ay "Iihii'da gurayso ayay ku war heshay, hirkii badda oo hoosta ka soo galay oo Kobtii ay gashanaydna qaadatay. Cali ayaa inta arkay in kobteedii baddu qaadatay is taagay oo ka daba dabaashay Kobtii. Markaasay ka daba ciday "Caliyow, Kob waxaba ma ahee badda ka soo laabo"  waana uu libray. Sidaas iyadoo leh ayay ilbiriqsiyo la dib ku war heshay.....

 La soco Qaybta 2aad.
Curiye:Calinuur Shiine So
 Fadlan Share garey oo kala soco qaybta xigta #Calinuur shiine Page.

Saturday, September 14, 2019

XURMIYO GARASHAA XABAALAN|maqaal| Calinuur Shiine.

Dhowr iyo labaatanka gu' ee aan jiro waxa aan waayo-joog u ahaa wejiyo nololeed oo kala jaad ah, labadeyda waxa aan saaray lugataydana kula kulmay: Colaad tii ugu xumayd, dhac, boob, dil iyo daanno, ummolo-doox iyo aano hariwaysay, qof dhintay iyo mid dhaawacmay, xaq la is duudsiyo, tacaddi joogto ah, tumashaan xad lahayn, baas iyo baroor diiq, aabar daran, jahli dam ah, qabiilnimo caadifadaysan, caro gadhoodhay,  huq iyo hadimo, geeri badatay, hooyo gablantay, geesi jiitay, gef iyo xumaan, iyo wixii la hal maala.

Taa cagsigeeda: dhaayahaygu ma ahayn kaliya xumaan u-joog ee waxa aan sidoo kale hadba daan u eegay: ummad nabdoon, reero negi, roob iyo rays, gu' aarmay, geedo doog bixiyay, cood dhalaya yo caano la dhamayo, galal xareeda iyo geel ka cabbaya, dalag soo go'ay iyo gaajo dalaawday, bashbash iyo barwaaqo, guur-doona carcara iyo gashaantimo loo haasaawe tago, oday qoys iyo marwo u qalanta, gacal shira, guddi talisa, guurti beeleed, gabyaa af-maal ah,  ubad soo koraya iyo rajo aayo nololeed oo sii kobcaysa.

Samanteed iyo xumaanteedba nolosha, waxaa masuul ka ah aadanaha, maxa wacay, Allaha wayni waxa uu na siiyay garasho aan ku kala soocno waxa khaldan iyo waxa saxsan.
Yaanan war kugu daalinine, waxa aan intaa u araranayaa arrin muhiimaddiisa wata.
Waxaa jira eray ka baaxad wayn fahanka laga haysto, kaa oo ah "XUSHMADDA".

 Haddi uu aadanuhu is xurmayn waayo waxaa gamashiyi doona  hab-sami u socodka nololeed ee umadda.
 Sida aan anigu qabo labada eray ee xurmo iyo garasho waa isku micno markii dhan laga eego.

Haddii uu qofba qofka kale u garto waxa uu mudanyahay waxaa la iska xaadirin doonaa figta sare ee buurta dheere guusha, waxaana sahal lagu kori doonaa sallaanka ama jaranjarada aadanuhu cagta wada saareen, ee loo wada dhididayo gaaritaankeeda waa inta ay ka go'antahaye.

Soomaalidu waxa ay leedahay dhaqan aad u adkaynaya xurmada ama garashada in qof ba waxa uu mudanyahay lagu xurmeeyo iyadoo loo eegayo mid waliba kaalinta uu bulshada kaga jiro muhiimad ahaanshaheeda.
Tusaale ahaan: in qofba qofka uu ka waynyahay uu kurisga uga kaco, hadal ka maqlo, qabashadiisa leeyahay, salaanta kalgacalka xanbaarsan iyo waxyaabo oo la halmaala oo aan halkan lagu soo koobi karin.

Diintu si wayn ayay uga hadashay xurmada, waalidiintu waa shaqsiyaadka ugu mudan xushmaynta, Alle(Sw) wax auu leeyahay xitaa yaan hadal laga dabo celin, hana ku oranina hadal kulul oo qalbigooda xumaan geli kara waalidiintiinna.
 Dadka aan xurmayn waalidiinta waxay gelayaan baa la yiraa Cadaabta.
Kaliya ma aha waalidiinta waxa in darajadooda loo garto oo la xurmeeyo u baahan ee waa umaddoo dhan, askarigu waxa uu rabaa xurmayn si u sugo ammaankaaga, madaxdu waxa ay rabaan xurmayn si ay u dejiyaan ugana fikiraan hannaanka siyaasadeed ee dalka, abwaannadu waxa ay u baahanyihiin in la xurmeeyo si ay suugaan bulshada lagu hago u soo saaraan, qoraayaashu waxa ay u baahanyihiin in ka xurmeeyo si ay u qoraan buugaag kobcisa garaadka dadkooda, culimadu waxa ay u baahanyihiin xurmayn si ay bulshada dariiqa hanuunka ugu hagaan. Cidkastaana sidaas ayay ugu baahantahay.

Waayadan danbe waxa aad arkaysaa dhallinyaro aan xurmayn yar iyo waynkaygooda.
Dhallinyaradu ma illawsanyihiin garashada habboon ee laga doonayo, dhallinyaradu ma illawsanyihiin in qofba qofka ka wayn ixtiraamo, dhallinyaradu ma illawsanyihiin in waddada horumarku ay tahay fahanka dhaqankaaga iyo ka mira dhalinta dedaalkaaga, dhallinyaradu ma illawsanyihiin in dhaqammada islaameed ay daaqadda ka saarayaan kooda wanaagsan, dhallinyaradu ma illawsayihiin maahmaahda ah "dhar aadan lahayn kuma dhaxan tiro".


Dhallinyarada waxaa looga baahanyahay in ay kobciyaan aqoontooda Islaamka si ay u fahmaan guud ahaan noloshooda, maxaa wacay, marka aad garanayso halka lagaa sugayo waxa aad ogaan kartaa sida aad ku gaari karto.

Waxba yaanan ku tiigaalin tiraab hadaleedkayga e,
"Hoorri liita iyo
Hacooy aan wax garan
Howraar iyo murtiyo
Hadal aad tiraa
Halna uma tarteee
Dadkaan la hadlayow
Mayla haysataan"?!!!

XURMIYO GARASHAA XABAALAN|maqaal| Calinuur Shiine.

Sababihii igu dhaliyay waxbarashada

Qofkii caqli low malee

 Madasha uma aannan iman Qofkeenna mariilka ihi Markii uu u baahdo dawo Hadduu gacan marane yahay Miciin inuu waayo oo Innana maydkiis sugno...