Thursday, December 5, 2019

Billawgii Haasawaha: Sheeko xasaasi ah

Yaraantiisii, ma ahayn ilmaha cuuryaama ee fadhiga ku daaha, ee Alle waxa uu u sahlay in uu  sanadkiisii koowaadba socod billaabo.
Awal waxa uu istaag iyo hibasho holladay isaga oo siddeed bilood madaxa kala baxay, isla xilliyadaas ayaa maalin waxa uu hoosta ka galay hal Baarri la yiraa oo ay maali jireen qoyskiisu, markaasay garabka cag ka saartay Ram!! Saa awaluu ilma ahaaye halkaa galawda ah ayuu ka jabay, naasiib wanaagse waxa uu kab-may bil gudaheed.

Markii laga soo tago marxaladaha kale ee noloshiisa waxa uu ahaa wiil yar oo aan hilibka cunin haddii uu isku dayana xasaasiyad ku kiciya, markaasuu wixii dufan lehba Iska ilaaliyaa. Show hilibkaas uusan cunin ayaa ugu wacnaa in uu si sahal ah u tabaraysan waayo, taas oo sababtay in noloshiisa hagaas laga dareemay.

Waxa uu ahaa shan iyo toban jir markii ugu horraysay uu dareenka ragannimadu masuul ka noqday in uu u kacsado naas gabdheed, taas oo isaga iyo wiil kale waddo la maraysay.
 Waayadii hore waxa uu la amakaagi jiray dadka waxaa daneeya ama ka sheekeeya, oo waa uu aamminsanaa in gabadh qaawda loo kacsan karo balse mid dhar xiran oo dusha laga ilaaqdo maya.

Galabkaas isaga ah ee uu dareemayo soo awaal-kaca daran ee u hanqal-taagaya naaska foodda keenay ee ku rakiban xabadka inan malaha shan iyo tobanka madaxa kala sii baxday.

Garbasaarka isna hadba dhan u bidaya ayaa uga sii daray, markaasuu isla yaabay "tolow maxaa galabta ku helay" waase ogyahay. Ka dib na sidaas ayuu u caadaystay hanqalooca gabdhaha asaaggiis ah, oo lamaanaha ayaa lurayay taasna waa caadada ina rag oo dhan.

No comments:

Post a Comment

Sababihii igu dhaliyay waxbarashada

Qofkii caqli low malee

 Madasha uma aannan iman Qofkeenna mariilka ihi Markii uu u baahdo dawo Hadduu gacan marane yahay Miciin inuu waayo oo Innana maydkiis sugno...