Cali iyo Cudbi oo qaatay casharradii abid ugu xiisaha badnaa ayaa ka soo baxay toddobadii arooskooda.
Markaan waa lammaane uu isu xalaaleeyay sharciga islaamku waxa ayna dhex mushaaxayaan badwaynta jaceylka, waxa ay dhadhansadeen macaanka nolosha, waxa ayna ka durduurteen ama ka cabeen laaska kalgacalka ee aan marnaba gurin.
Cudbi waxa ay noqotay siduu Cali ka filayay, waa gabar garashada iyo fahanka saygeeda sida waxyigii loogu soo dejiyo, waa tab iyo xeelad leey hufnaan iyo hannaan wanaag loo hibeeyay. Cali waxa maanta uu diyaar u yahay inuu u shaqo tago Magaalada wallow uu mararka qaar niyadda iska leeyahay show inaad jannadaada isaga sii jirtaa wacnaan lahayd.
Habeenkii koowaad ee uu u soo hoyaadayo gurigiisa quruxda leh ayay caawa noqonaysaa, mar uu suuqa ka soo dhammaaday ayuu soo wacay boqoraddiisa, una sheegay inuu ku soo jiro waddada si ay uga warqabto imaanshihiisa, iyana howraarsan ayay ku tiri.
Marka uu qasrigiisa gaarka ah soo galay ayaa Cudbi ku soo dhawaysay gacmo furan iyo kalgacayl aan xad lahayn. Cali waxa uu illoobay daalkiisii markii ay Cudbi dhabanka ka shummisay amaba ka dhunkatay. Dhunkashadani waxa ay ahayd mid cajiib ah, marka aad gama'do waxa aad gashaa riyo iyo raaxo adduun, sidaas si la mid ah, ayuu Cali markii dhabankiisa dhididka leh ay Cudbi dhunkatay uu u galay riyada jaceylka oo uu dalxiis bilaash ah ugu tegay xeebta kalgacalka ee ay u damaashaadka tagaan mucaashaqiintu.
Intaa ka dib, ayay Cudbi waxa ay Cali gaysay qolka. Qolkee?!! Qolka isaga ah dee.
Cali waxaa laga bixiyay shaarka oo Katabaanka loo saaray, waxaa lagu fariisiyay kursi malaha dareensan in qof la jecelyahay uu ku fadhiyo. Galaas biyo xoogaa qabow ah ayaa uu cabay.
Mar uu yara nastay ayuu Cali waxa uu aaday Tubbada biyaha. Oo muxuu ka doonay? Waa uu is illaaway, ee biyihii uu ku qubaysan lahaa Suuliga ama Musqusha ayay yaallaan. Markii uu tubada tegay ayuu gadaal soo eegay saa waxa uu arkay iyada oo Cudbi ku qoslaysa, markaas ayuu garawsaday in uu khaldamay, ee wax walba diyaar u yihiin.
Kol danbe ayay inta qolka fadhiga imaadeen oo casheeyeen sheeko u baxeen.
Markaan Cali iyo Cudbi waa ay si fahmeen. Cudbi waxa ay Cali uga sheekaysay qisooyin yaryar, waxa ay tiri " Caliyow, kaagama sheekayne, hadda ka hor ayaa aniga oo hurdaya waxa aan ku riyooday aniga oo wiil kuu dhalay!!
Waxa aan seexiyay Joodarigayga qayb ka mid ah, habeenkii oo dhan ayaan dhowrayay wiilkaas si aysan wax u soo gaarin, xitaa joodariga aniga oo gees uga jiifa ayaan soo toosay subixii, markaasaan ka welwelay oo is iri Alla!! Maxay run u ahaan waaysay.
Markaasuu Cali ku yiri isaga oo la kaftamaya ku yiri "Cudbiyey horta wiilku ma aduu kuu ekaa? Mise. Markaasay si kaftan ah iyana u tiri "Caddow, waa noo wada ekaa?
Cali aad ayuu ula dhacsanyahay jawiga ka abuurmay haasaawihii ka billawday damaashaadkii uu ku joogay xeebta, isagoo sidii ugu sheekeynaya ayaa uu halmar afkiisa ka yiri:
Shamso iyo sidii shaac
Arooryoo sharraxan baad
Markii aan ku shuufa ba
Iskay shaamareeraa!!
Cudbi baa inta qosol dhag ka siisay tiri " Illeen abwaanna waa ahayd.
La.soco qaybta 5aad
ku soo dhawoow Walaal Blogspot-kayga. click sii "HOME-ta" hoose Igala soco facebook-kayga "Calinuur Shiine So".
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Sababihii igu dhaliyay waxbarashada
Qofkii caqli low malee
Madasha uma aannan iman Qofkeenna mariilka ihi Markii uu u baahdo dawo Hadduu gacan marane yahay Miciin inuu waayo oo Innana maydkiis sugno...
-
Afartii sano ee ugu danbeysay waxaa si' is daba joog ah u soo m uuqanayay dhallinyaro qorayay Buugaag isla markaana ka mid noqonayay q...
-
Quraanjadu waa noole yar oo cajiiba ah. Waxa ay leedahay lix lugood oo seddex ba dhinac tahay, labo caawiyeyaal oo ku yaal qadaadka danbe...
-
Qaybtii 1-aad. # ANIGA_iyo_GEERIDII_Aabbahay Calinuur Axmed Yuusuf Xilligu waa habeen, waa bil Soon-qaad waaga noo be...
No comments:
Post a Comment