Tuesday, September 24, 2019

Sheekadii Dumar iyo dadnimo_qaybtii 1aad


Halkani waa magaalo, waa caasimaddii dalka. Laamiyada dawaaliga ah ee aan lahayn jajabka ay gaadiidku ku dhibtoodaan ayaa hadba ay dhan u goynayaan gawaarida isaga kala goosha afarta bir-jaho ee beledka.
 Waxaa waddooyinka ku teedsan xarumo ganacsi oo ilwaad samidooda adiga oo qof wayn ah waqti kaaga lumayo inta ay qurux ka qabaan.

Marka aad is waydiiso, yaa Magaalada sidaan u qurxiyay? Waxaa hortaada ku soo qormaysa, DHALLINYARO!!! Markaasaad haddana is waydiinaysaa, maxaa dhallinyaro ah? Saa haddana ay kuu soo baxaysaa far waawayn oo oranaysa "WAXAA U KACAY BELEDKAAN DHALLINYARO". Adna waad u qiraysaa.

Magaalada quruxdeeda waxaa bilaya Tukaakammada, Bakhaarrada, sanadaqaha laga helo adeegyada dhallinyarada, suuqyada caalamiga ah sida kuwa dharka, kuwa khudaarta, kuwa agabka cuntada iyo wixii la halmaala. Sidoo kale waxa qurxinaya, Tima jarayaasha, carwooyinka, miqaayadaha cuntada xarumaha waxbarashada oo qayb wayn ka qaatay quruxda maagaalada iyo kuwa kale oo fara badan.

Waxay leedahay xeeb, waxay lahayd goobo dalxiis, waxay leedahay goobo madadaalo, waxay leedahay xarumo waxbarasho. Waa magaalo cajiib ah. Oo haddey cajiib tahayna? Waa caadi maxaa wacay, dadkeeda ayaa fahmay ujeedka nolosha, dhallinyarada ayaa garatay waxa u dan ah.

 Cudbi iyo Cali, waa labo dhallinyaro balse horay isuma garanayn.
Cali waa arday Jaamacadeed, Cudbina waa ardayad heer dugsi sare ah ku jirta. Cali waa wiil qurxuun, dabeecad iyo dad la socod leh, waa wiil leh, hibo uu ra'ligiisa bulshada wax uga dhaadhicin karo, saaxiibbo farabadan oo ka haybaysta ayuu leeyahay.
Haddii aad la sheekaysato waxa uu ku siinaya talo, waxa uu kugu abuurayaa rajo, waxa aanad aamminaysaa waxyaabo farabadan oo dadku aysan aamminsanayn. Cali kuma lebbisto dadkan caadiga ah waxa ay ku lebbistaan ama saaxiibadiis u arkaan quruxda iyo in gabdhaha lagu soo jiidan karo, ee waxa uu ku lebbistaa dabeecad!!. Dabeecad aa? Haa dabeecad.

Adiga oo murugaysan haddii aad u timaad waxa aad ka laabanaysaa adiga oo faraxsan, kaalay sheeg waxa uu kugu akhriyay! Moogi. Mindhaa sixirkuu yaqaan, mayee waaba yaqaan, maxaa yeelay waa wiil Akhris badan, waxa uu aamminsanyahay in AKHRISKU aad muhiim u yahay, waana sababta uu u yahay takhtarka welwelka, waxa uu kaaga sheekeynayaa sheekooyin waawayn oo xitaa aadan weligaa maqal. Haddii aad murugaysantahay, dhiig buu kaa qaadayaa? Yaa! Dhiig aa? Mayee waa uu ku dabeecad fahmayaa ayaan ka wadaa, markaasuu waxa uu kuu baarayaa dawadaadi isaga oo soo rogaya baalasha farxadda. Haddii ay talo kaa cakirantahay waxa uu ku siinayaa fure, haddii uu derbi ku soo celiyo waxa uu kuu tilmaamayaa meel uu Burris yaal si aad ugu jebiso derbigaas. War yaanan kugu daaline waa wiil wax garad ah, waana nooca ay gabdhuhu ugu jecelyihiin.

Cudbi kama liidato haddii aysan ka horreyn ba. Waa gabar, hadde si kale uma taqaannide ay dhaleen Boqor iyo Boqorad. Waa dhal boqortooyo, ma ahee waa ay ku fiicnaan lahayd in ay noqoto dhal boqortooyo.
Cudbi waa gabar aan sidaa u da'waynayn, waxa ay jirtaa Siddeed iyo toban gu'. Waa gabar cad oo xoogaa dheer, waa caato laakiin ma aha caato soogsoog ah. Waa gabar firfircoon, malaha waaba la dhalatay xeeladda iyo fahanka nolosha.

Cudbi iyada oo maalin jimca ah, iyada iyo gabdho kale oo ay wehliyaan wiilal qaraabo ay isla yihiin ayaa ay xeebta magaalada u damaashaad tageen. Cali oo biyaha badda inta mar galay ka soo baxay oo afka hore fadhiya ayaa mar qura isha qac!! Ku siiyay Cudbi oo u danbaysa gabdho iyo wiilal cagaha la sii gelaya biyaha. Cali aad ayuu uga helaa gabdhaha iyo in uu la sheekeysto. Hantataf ayuu inta horay u yiri buu isku deyay in uusan gabadhaas ka harin meeshii ay rabto ha la gashee. Haddiiba uu u dhawaaday gabadhii oo biyaha lagu barbaryayo ayaa waxaa garabka ka  taabtay wiil meesha Cali ka aqooday. "War bal ii warran iyo waa nabad ayaa la isku yiri"  ka dibna wiilka Cali aqooday ayaaba gabadha wax ka waday. Niyadda ayuu iska yiri "Allow waa mahaddaa". Wiilashii iyo gabdhihii kale ayaa Cali la baray, markaasay dhaheen Wiilashii biyaha ayaan geli lahayn ee gabadhaan ayaan nuuxin la'nahay. Markaasuu yiri Cali "Cudbi maa wax ka gashid biyaha? Ma saas baad u Wadne wayntahay? Inta qososhay bay tiri "weligayba cagahayga ma gelin Bad, waxa aan ka soo doonay baan la yaabanahay. Cali ayaa hoos ka yiri markaas "waa la yaqaan waxa kuu soo dhigaye". Intii ay warkaas is lahaayeen ayay wiilashii iyo gabdhihii kale baddii horay u galeen. Markaasuu waa siduu rabaye yiri "na keen waayahaye halkaa  biyaha afkoodaa fariisannee.

Gabadhii iyo  wiilkii inta wadday ayay soo qaadatay Dacaskeedii ay badda ku soo aadday. Haddana waa ay isi soo raaceen markaasay fariisteen biyaha afkooda. Cali waxa uu la yaabbanyahay dabeecad furfurnaanteeda iyo quruxdeeda. Iyana kama liidatee, markuu meel kale dayaba isha ayay ku xaddaa, waxa ay la ashqaraarsantahay wiilkan meesha uu ka yimid iyo sida ay u baratay wanaagsanaanteeda. Sheekooyin u badan sheeko dhallinyaro oo uu ku haasaawinayo ayuu u qabtay mar ay "Iihii'da gurayso ayay ku war heshay, hirkii badda oo hoosta ka soo galay oo Kobtii ay gashanaydna qaadatay. Cali ayaa inta arkay in kobteedii baddu qaadatay is taagay oo ka daba dabaashay Kobtii. Markaasay ka daba ciday "Caliyow, Kob waxaba ma ahee badda ka soo laabo"  waana uu libray. Sidaas iyadoo leh ayay ilbiriqsiyo la dib ku war heshay.....

 La soco Qaybta 2aad.
Curiye:Calinuur Shiine So
 Fadlan Share garey oo kala soco qaybta xigta #Calinuur shiine Page.

No comments:

Post a Comment

Sababihii igu dhaliyay waxbarashada

Qofkii caqli low malee

 Madasha uma aannan iman Qofkeenna mariilka ihi Markii uu u baahdo dawo Hadduu gacan marane yahay Miciin inuu waayo oo Innana maydkiis sugno...