1..Adduunyada
ilaahey waaxaan, aragnay waa yaabe
2. Ashqaraaray
oo maagay oo, deedna amakaagay
3. Iimo
dhowra qoon wada leh oo, noqonnay eel reeba
4. Hayeeshee
tix alifiyo anoon, arar ku dheeraanaanin
5. Isla-weynidiyo aabigiyo, aniga baa saan ah
6. Aadanaha
kii lagu arkee, anafka sii taaga
7. Aakhiro
cadaabbuu galaa, ololki naareede
8. Adduunkana
dadkiyo ehelladii, ma ixtiraamaane
9. Is
ogaada aayaduhu waa, eray tusaalaahe
1. Intuu
ood ka booduu nin yari, talo ifduufaaye
1. Xaajadii
adkaataba haddaan, odayo loo geynin
1 . Ee
ruux waliba say ula egtahay, uu isagu yeelo
1 . Ahaan
meyno saan eegga nahay, ee ha la ogaado
. Malabkay
shinnidu ururisee, uunku garanaayo
. Intifaac
waxay leedahaa loo ogsoonyahaye
. Udug
iyo macaan weeye iyo, daawo aamminehe
1 . Aqash
iyo uf kii oranayaan, loo itaal heline
1 . Axmaq
weeye laakiin mid baan, kuu ag dhigayaaye
1 . Arrin
xumo abaar iyo ka daran, omoso jiilaale
2 . Dad
dhan oo abwaaniin leh iyo, odaya maahmaaha
2 . Oon
eray ka dheegani aqliga, waa ka eberkoode
2 . Afrikiyo
adduunyada markaad, saa u wada eegto
2 . Aayahooda
way garanayaan, idil ahaantoode
2 . Itaal
kaan la heyn taakulaa, lala agjoogaaye
2 . Eray
kii yiraahdey dhiggeen, u alalaasaane
2 . Innaguna
qof shay soo unkaan, ku orrineynaaye
2 . Anaaniyo dil iyo boobna waa, ku istiraaxnaaye
. Bal
inuu ajiibaa dhacdee, aan allaha tuugno
2 . Astaqfaarta ruuxii badshaan, dhib u imaaneyne
. Albaabada
san buu eebbehey, kuu aftaxayaaye
3 . Irid
aadan filaneyn na wuu, kaa arsaqayaaye
3 . Xaaraanse
ruux alamsadaa aaya, beel noqoye
3 . Eelkaba
wax dhigay baa jiroo, waa aqoon xumiye
3 . Maahmaah
awaa`ili horaa, say na oranaysay
3 . Awrka
danbe ka hore saanta, waa uga ekaadaaye
3 . Waalidkana
wixii lagu arkay, ubadku suubshaane
3 . Anshax
lagu barbaariyay na waa, ku aqliyeystaane
3 . Haddaan
la edbin eber weeye oo, adhi ma dhaamaane
3 . U
iftiinsha shay waa danbay, na anfacaayaane
4 . Tuqsiigaa
halkii iin leh iyo, eegta meel darane
4 . Wax
ilaaheey maanacay qofkii, ka astaxyoon waaya
4 . Abaalkiisu
waa naar jannana, is arki maayaane
4 . Cilmulqaybka
eebbaa ogoo, taa awood u lehe
4 . Aakhiro
wax yaallana ma jiro, ruux oddorosaaye
4 . Faal
ibliis nin dhigay oo dhulkaa, fara la
aad-aaday
4 . Shay
uu ogaan karahayaan, cidu aqooneyne
4 . Wuxuu
ka astafiidaana waa, alanqa naareede
4 . Agab
maaha diintuna qof iyo, ururro leeyiine
4 . Mana
aha awaal mala ah iyo, hebel oraahdiise
5 . Waa
aayado tusaalooyiniyo, qowlki Eebaha e
5 . Ruux
oomman ee ilo biyo leh, aagga laga geeyay
5 . Addimadana
qaba ama fiyow, cudur na aafeynin
5 . Oo
aan asqada reebinoo, aan afkaba saarin
5 . Wuxuu
ugaga jeediyo dantaan, cidi aqooneyne
5 . Axmaq
weeye laakiin mid baan, kuu ag dhigayaaye
5 . Dad
dhan oo ilaahey jirshoo, uu arlada keenay
5 . Ummad
diin islaam haysatana, laga aheysiiyay
5 . Ee
loo arsalay nebi alloo, shay iftiiminaya
5 . Ee
faralka oogoo la yiri, tiisa u ekeeya
6 . Adduunkana
la yiri waa beryee, gaabsha orodkiinna
6 . Misna
aan intaas qaadanoo, or iyo been moodda
6 . Oo
dhiig islaam daadisee, alabbastee roorta
6 . Anbad
weeye oo meel xun bay, ku ajarmaayaane
6 . Bal
u fiirso saan eegga nahay, waa ayaan xumo e
6 . Allahayow
dadkaygii is nace, waadna aragtaayee
6 . Ilaa
iyo markaan imid ifkiyo, eegga iyo maanta
6 . Is-dil
iyo anaaniyo dhacbaa, loo ordahayaaye
6 . Ehelnimadii
waa laga tegayo, ina adeeroowe
6 . Aw
lama xurmeeyiyo wadaad, diin islaam wada e
7 . Amiir lama qadariyiyo dadkay, shacabku
eegtaane
7 . Askar lama sharfiyo ciidan iyo, niman ilaalaahe
7 . Oday
lama salaamiyo nabadda kaa, soo abuubula
7 . Abwaan
lama dhegaystiyo af-maal, erayo waawayne
7 . Arxan
li`ida I muuqataa, waa af kala qaade
7 . Hadba
waxaan la ooyaa dhib iyo, arami joogtaaye
7 . Ammaan
iyo arlaan doonayaa, nabada Eeboowe
7 . Allahayow
ahow waad kartaa, ama awoodaaye
7 . Adigaa
ajiiboon ducada, ahay adoonkaaye
7 . Isu
soo dun maankeenna oo, ururi taagteenna.
No comments:
Post a Comment