MAGAC DADKAYGAA LE
Gabaygan
waxuu si miisaaman uga hadlayaa in ay midnimadu tahay shay qaaliy ah oo aan
marna ba la hurayn sharaftuna ay ku jirto. sidoo kale waxaa ubucdiisu tahay in Soomaalidu yihiin dad sharaf leh. wuxuu soo baxay 11/2017-kii.
1.
Shinnaa
malable ,gabaybaa murti leh,micina Aarbaa leh
2. Hirbaa
muuq leh,meydbaa tacsi leh,mirana geedaa leh
Saxansaxo
mugweyn iyo qabow roob mir-da`ay baa leh
4. Jahlaa
maag leh,habeen baa madow,maya`na liidbaa leh
5. Cilmibaa
misbaax iyo iftiin meel ku aragtaa leh
6. Barahaa
mudnaan iyo wanaag sharafya maamuusle
7. Allaa
mahadle,diinbaa macaan,Muxamed ba
raacle (scw)
8. Maayaa
hugunle,habeenbaa mugdile, mowjadbaa
socodle
9. Mujrim
iyo kufaarbaa shakiyo murugo teed dheer le
1. Eebbeheen
wuxuu maanacoo muxaramaa ceeble
1. Miskaa
carafle,maro baa gashi le,moodna galab baa leh
Shiddaa
murugle,nabadbaa macaan ,maqal xunbaa hoogle
1 Ismaan-dhaaf
mashaqo iyo ciil muran colaadbaa leh
1 . Badbaa
mool leh,magaalaa dhisma le,maqal islaamkaa le
1 . Maato
lumis marwo-jeedshihiyo musa-salaadkaa leh
1 . Mirrigliyo
il gabadleyn dharaar ruux margaday baa leh
1 . Mici
Aar nimey saydhabaa maahashiyo taah leh
1 . Mudnaan
sharafle maamuus tixgelin,garasho meel dheera
1 . Hadal
meel leh maahmaah ku laran gabayo misaan le
2 . Soomaalidan
midnimo goobka iyo magac dadkaygaa leh.
No comments:
Post a Comment