▼

Friday, November 29, 2019

XUSUUSIHI MIYIGA. By Calinuur Shiine


Markii iigu danbaysay waxa aan ka tegay cidda oo deggan Jilib ku taal kaymo cush ah dhexdooda oo qoysas badani ka naq-degeen oo ay dhanka galbeed isaga dhereriso bohol aan sidaa u waynayn oo ku dhammaata meel yar oo "Diiran hoys" la yiraa. Deegaankaas waxaa lagu macaabaa Xarar-bullo.

Ammin casir gaaban ah ayaan dhanka koonfur-bari uga baxay magaalo yar oo Caad la yiraa. Waxa aan isla lug helnay oday rati u raranyahay oo geel meel uga soo tagtay.
Waxa  aan qabaa wacaal ah in ciddii guurtay oo ay degtay dhulkii, dhul ka dheer, maadaama uu degaanku kululaaday waa meel "Birdhiile" la yiraa e.
Waxa aan sheeko hayno oo uu odaygii ii taariikheeyaba waxaa aan soo gaarnay halka uu ku yaal golaha geeliisu sidaas ayuuna inta dhulka iigu tilmaamay iiga haray maadaama aanan weligeey cagta saarin dhulkaan.

Cadceeddii ayaa godka baasha dhigatay, aad ayaan u saamo boobay isla markiiba waxa aan ku tegay bohol ay adagtahay in laysaga tallaabo oo shalay roob carriga biyo-dhigay uu isu furay hilinnadii yaryaraa oo dhex mari jiray. Inta qar iska laalaadshay ayaan "talow" ku iri, qarka kale na inta xididdo geed cuskaday ayaan tafay.

Waxa aan ku baxay kaymo waawayn oo hawd ah, iftiinkuna waa soo yaraanayaa, waxaa dhegahaygu qabanayaan shili'shili'da shinbiraha ku sii kala hor maraya buul-shibireedyadooda, waxa aan ka cabsi qabaa halaq oo dhan oo aan halis ugu jiraa. Waa aan orday si aan inta iftiimo u cid galo. Mar aan qadac ordayay ayaa aan ku soo baxay dhul fur-fur ah oo aan u malaynayo in aan ciddaydii ka heli doono.
Aqal ayaan gadaal ka istaagay dabadeedna nabdaadiyay, waxa aan waydiiyay in reerka noocaas iyo noocaas ah ay garanayaan iyo in kale. Ka dibna waxa ay igu yiraahdeen "Cid ayaa geedahaas ka guurtay" waa soo dhaqaaqay, wallow uu iftiinku sii yaraanayay haddana waxa aan imid raaskii ay ka guureen oo waxa aan ku aqooday calallo jeex-jeexmay liilal ka mid ah oo geedo ku dheg-dheggan.

Intaa ka gadaal ayaan, ciddii waydiiyay bal dhanka ay u guureen, oo waxa ay iigu tilmaameen dhankaa bari. Aniguna waxa aan u hamagsaday jiho bari aniga oo baadi goob ugu jira sidii aan ku heli lahaa qoyskayga. Waxa aan garabka ku sitaa dhowr kiilo oo Sonkor ah. Xlliga oo fiid ah ayaan qolyo geelley ah oo geel sii hoynaya is nabdaadinnay oo ay ii sheegeen in meel qorrax ka soo bax ugu aaddan qadacna jirta ay reero badani degganyihiin. Waddo Jarmal ah ayay i tuseen inta ku dhacay ayaanan degmo dhan oo cosob leh soo dhex galay oo ay reero badani yaallaan ka dibna si sahlan u helay aqalkeennii.
Daalkii ayaan meel kula dhacay, inta caano feeraha iska saaray.
W.Q: Calinuur Shiine So

No comments:

Post a Comment