ku soo dhawoow Walaal Blogspot-kayga. click sii "HOME-ta" hoose Igala soco facebook-kayga "Calinuur Shiine So".
▼
Thursday, October 31, 2019
QURAANJO AMA QURAANYO| CASHARRADA XASHARAADKA IYO XAYAWANNADA KALE.
Quraanjadu waa noole yar oo cajiiba ah. Waxa ay leedahay lix lugood oo seddex ba dhinac tahay, labo caawiyeyaal oo ku yaal qadaadka danbe ee madaxa salkiisa ah iyo labo tif oo yar yar oo wejiga horay uga yaal. Waa qayb ka mid ah xasharaadka, Aboorkana waa ay ka yartahay waana ay shaabahdaa.
Quraanjada nolosheeda casharro fara badan ayaa laga baran karaa oo maamulka iyo hoggaanku kow ka yahay.
Haddii aad u fiirsato waa noole howl kar ah, shaqada koox-koox ayay u qabataa. Godad ayay qotodaa oo ay ku noolaataa balse waxa ay caan ku tahay "Buul Quraanjo". Buulka waxa ay ku rakibtaa badanaa geedaha waawayn ka dibna halkaa ayay Ukumaheeda dhigataa.
Marka ay anfaaci raadsanayso waxa ay u socotaa qaab saf ah oo isma hareer yaacdo sida noolaayaasha qaar, waxa ayna samaysataa hoggaan.
Qurnaajadu ama quraanyadu waa adkaysi badantahay, waxa aad arkaysaa marka ay doonayso in ay meel tafto haddii ay u suuro geli wayso kama quusato oo waa ay ku noq-noqotaa ka dibna waa ay ku guulaysataa.
Xigmad baa jirta oranaysa seddex shay ka baro Quraanjada.
"Howsha sida ay u qabato, Sida ay ugu celceliso iyo sida ay khaladaadkeeda u saxdo".
Aniguna xikmaddaas ayaan u beddelay gabay.
1. Seddex qodob quraanyada ka baro, waa qorshaha keede
2. Sixitaanka khaladaadka iyo, howsha qabadkeeda
3. Ku cel-celiska quruxda le arkoo, yaan qaban waayin.
Run ahaantii waa noole astaan u noqon karta hoggaanka iyo u dhabar adaygga howlaha guud.
Waxaa cajiib ah haddii aad arki lahayd sida ay wax u qaaddo, shayga ay doonayso in ay qaaddo waa ay isku dul dhoobtaa si ay u midayso awooddeeda ka dib sidaas ayuu ugu hirgalaa qorshaheedu.
Waxaaba jira maah maaha laga sameeyay oo oranaysa "Quraanyo aruurtay Bulac waa jiidda" Bulucu ama Mulucu waa qayb ka mid ah isna xasharaadka oo yar, balse marka Quraanyada loo eego isma oranaysid waa u suura gelaysaa in ay qaaddo.
Si kastaba Quraanyadu waa noole caqli badan, karti badan, adkaysi badan oo ay ka go'antahay in ay guulaysato.
W.Q: Calinuur Shiine.

No comments:
Post a Comment