▼

Saturday, June 22, 2019

Magac dadkaygaa leh_Gabay_Calinuur shiine


MAGAC DADKAYGAA  LE
Gabaygan waxuu si miisaaman uga hadlayaa in ay midnimadu tahay shay qaaliy ah oo aan marna ba la hurayn sharaftuna ay ku jirto. sidoo kale waxaa ubucdiisu tahay in Soomaalidu yihiin dad sharaf leh. wuxuu soo baxay 11/2017-kii.
1.    
          Shinnaa malable ,gabaybaa murti leh,micina Aarbaa leh
2.      Hirbaa muuq leh,meydbaa tacsi leh,mirana geedaa leh
Saxansaxo mugweyn iyo qabow  roob mir-da`ay  baa leh

4.      Jahlaa maag leh,habeen baa madow,maya`na liidbaa leh
5.      Cilmibaa misbaax iyo iftiin meel ku aragtaa leh
6.      Barahaa mudnaan iyo wanaag sharafya maamuusle

7.      Allaa mahadle,diinbaa macaan,Muxamed ba raacle (scw)
8.      Maayaa hugunle,habeenbaa  mugdile, mowjadbaa socodle
9.      Mujrim iyo kufaarbaa shakiyo murugo teed dheer le
1.  Eebbeheen wuxuu maanacoo muxaramaa ceeble

1.  Miskaa carafle,maro baa gashi le,moodna galab baa leh
   Shiddaa murugle,nabadbaa macaan ,maqal xunbaa hoogle
1  Ismaan-dhaaf mashaqo iyo ciil muran colaadbaa leh

1 .  Badbaa mool leh,magaalaa dhisma le,maqal islaamkaa le
1 .  Maato lumis marwo-jeedshihiyo musa-salaadkaa leh
1 .  Mirrigliyo il gabadleyn dharaar ruux margaday baa leh
1 .  Mici Aar nimey saydhabaa maahashiyo taah leh

1 .  Mudnaan sharafle maamuus tixgelin,garasho meel dheera
1 .  Hadal meel leh maahmaah ku laran gabayo misaan le
2 .  Soomaalidan midnimo goobka iyo magac dadkaygaa leh.


No comments:

Post a Comment