▼

Monday, July 31, 2023

Qofkii caqli low malee

 Madasha uma aannan iman

Qofkeenna mariilka ihi

Markii uu u baahdo dawo

Hadduu gacan marane yahay

Miciin inuu waayo oo

Innana maydkiis sugnoo

Hadhow innagoo melyana 

Qabuuraha murugo iyo

Maalayacni lala kor tago


Waxaan madashaan u nimid

Inay midig toosto 

Bidixda ka maarantee

Laantay midi goyn la'dahay

Labaduysla maroojiyaan

Sidaasna ku meel maraan


Madashan uma aannan iman

Qofkeennii maal adduun 

Ileehey uu milkiyay

Walaalka u baahan midig

Inuu iska maahiyoo

Boobeelkiisana densado


Waxaan madashaan u nimid

Haddii masaal looga dhigay

Inuu yahay maan rageed

Sidii mudacyada afkood

Inay maantaba kulmaan

Mataanana ay noqdaan


Waxaan madashaan u nimid

Qofkeenna muraadka lihi

Haddii uu moos u jabo

Inuu heli karo miciin


Haddii ay curato Mayl

Haaneed iyo waa miskeed

Haddaan xagta ruux ka maro

Middeeda kalaan qof jirin

Gaawuhu ma milaalmayee

Caanaha laga maali karo

Qofkii caqli low malee

Taleefanka ii qor (maanso)

 Waxaygu tallaalmay 

Jacayl ah tan dhaafe

Si aan talo caashaq 

U teebab garaacno

Taleefanka ii qor

Abwaan Calinuur Shiine